Danta Kursigaagu Yaanay Kaala Waynaan Danaha Qaranka Iyo Umadaadu Wada Leedahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danta Kursigaagu Yaanay Kaala Waynaan Danaha Qaranka Iyo Umadaadu Wada Leedahay!
May 25, 2019 - Written by Editor:

Dawladu waxa ay qiimo ku leedahay dadkeega oo ah kuwa dhistay ee doortay ee cashuur bixiyaha ah ee u hogaansan awaamiirta qaranka in ay u ilaaliso rabitaankooga , xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda iyo waliba raaligalintooda .

Aduunku waxa uu ku qiimeeyaa dawladaha sida ay dadkooda u ixtiraamaan isugu wadaan danahooga uguna shaqeynayaan , waxii ay dhigteena u ixtiraamayaan ugana go’an tahay in ay ka midho dhaliyaan himilada iyo hiigsiga umadooda.

Haddaba maalinta lagaa helo qaybsanaan iyo in la kala aamin baxo waa maalinta aad ugu nugushahay in cidwaliba danaheega kaa dhex fushato oo jiritaankaaga khatar la galiyo.

Maanta waxa muuqata in loo kala dheeraynayo aduunka iyo daneeyayaasha doorashada somaliland oo dhaqaale badan inagu bixiya oo aynu ku qabsano doorashooyinka , cidina danaha gudahaaga ma soo farogalin karto ilaa adigu ay kaa muuqato gol-daloolooyin sida ; in aanad shuruucdii iyo waxii aad dhigatay ilaalin ,  sida in aanad ixtiraamin dadkii dawladnimada lahaa iyo rabitaankooga iyo xuquuqahooga .

Xuquuqda doorashada iyo in wakhtigeeda la ilaaliya oo laga shaqeeyo xil wayna la iska saaraa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu weyn ee lagu qiimeeyo dalalka oo waxa la eegaa xasiloonaanta iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi leeyahay hadii ay tahay cid ku taageeraysa iyo cid ku maalgashanaysa ama aad wada galaysaan heshiisyo mandaqadeed iyo qaar caalamiba.

Maanta somaliland wax badan oo sumcad ahaan iyo qaran ahaan kor inoo qaadi lahaa inaga ayey inagu xidhan yihiin in aynu isku tashano oo hagar baxno hawlaha muhiimka ah ee qaran ahaan inoo yaalla oo aynaan cid kale ka sugin ee aynu soo celino iskaashigii iyo kalsoonidii gudaheena.

Markaa waxa wanaagsan in aynu eegno danaha dalkeena iyo dadkeena ee aynaan eegin danaheena siyaasiga ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ka hor imanaya kuwa umadeenu doonayso, waana in ay inta masuuliyadaha umada u haysaa iska bilowdaa oo aanay kuraasida jeclaysan hadii ay guurti tahay , hadii ay gole wakiilo tahay , hadii ay gole deegaan yihiin , hadii ay komishan doorasho yihiin , hadii ay xisbiyo siyaasadeed yihiin iyo hadii ay xukuumada talada haysa tahayba.

Waar dalka iyo dadka ha loo tudho Bilahi Calayk

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com

Tell : +252634241005

COMMENTS
LINKS