Madaxwayne Muuse Ma’oga Mise Wuu Og’Yahay?W/Q;Maxamed F. Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Ma’oga Mise Wuu Og’Yahay?W/Q;Maxamed F. Qoti.
May 31, 2019 - Written by Editor:

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo calankii towxiidka ku xardhanaa hoos u dajisay, Somaliland waa wadanka labaad ee haddii qoraxdu u soo baxdo iyo haddii ay maqan tahayba la muujiyo oo uu iftiiminaayo towxiidka ku xardhan calanka astaanta qarankoodu ee aan waligood la dajin, hoosna loo dhigin.

Haddaba, sida maanta ka muuqata goobtii ay ka babanayeen 24-ka calan ee lagu xusayey 18-ka May – sannadkan , ayaan hoos loo dhigay 23-ka mid ahaa calamadaas, hal calan oo u furmi waayey mooyaane.

Sida aan ku hellay warar xogogaal ah, waxa la ii sheegay in uu hoos u dhigay calamadaas Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Maxamed Cali Bille.

Dhinaca kale, waxa aan habayaraatee si fiican u gudan shaqadoodii saxaafada iyo xisbiyadda mucaaridka ee jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka seexday in ay saxaan ama ay toosiyaan wixii ka khaldama xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madax-weyne Jamhuuriyadda Somaliland, mudane .Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kalena, waxaan ku boorinlahaa dhalin yarada muwaadiniinta ah in ay hoos u eegaan khaladaadka ka jira xukumada si ay u saxaan wixii ka khaldama.

 

QALINKII; Maxamed Faarax Qoti

 

COMMENTS
LINKS