“Gobolka Saaxil Maanta Waxa Uu U Baahan Yahay Hogaamiyihii Hagi Lahaa Horumarkiisa“ Eng Ibraahim Xaaji. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Gobolka Saaxil Maanta Waxa Uu U Baahan Yahay Hogaamiyihii Hagi Lahaa Horumarkiisa“ Eng Ibraahim Xaaji.
June 2, 2019 - Written by Editor:

Berbera (W,N): Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mida aqoon yahanadda reer Somaliland, isla markaana muddo aad u dheer shaqooyin kala duwan dalka ka soo qabtay gaar ahaana xiligii dib u dhiska

Wuxuu ku dhashay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo wax ku bartay dugsiga caanka ah ee Sheekh.

Iyadoo markii uu waxbarashadda dugsiga sare dhamaystay loo diray dlka Ruushka oo uu waxbarasho sare oo jaamacadeed ku soo qaatay cilmiga milateriga.

Sidoo kale markii uu ka soo noqday dalka Ruushka waxa uu taliye milateri ka noqday goboladda dhexe ee wixii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya.

Sanadkii 1984-kii ayaa hadana mar labaad waxbarasho loogu diray dalka Maraykanka halkaasoo uu waxbarasho jaamacadeed military college.ku soo qaatay

Waxaanu  markii uu dhamaystay waxbarashadiisa u gudbay dhinaca dalka Canada, halkaasoo uu certificate of Engineering ku soo qaatay. Isagoo Canada ku noolaa muddo dheer, isla markaana shaqooyin kala duwan ka qabtay.

Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horaantii sanadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ka ku tilmaamay u jeedadda uu dalka u yimid in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha magaaladaas ka mida. Waxaanu Eng. Ibraahim Xaaji, hadda ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.

Waxaana maalintaas soo dhawayntiisa aan u kala hadhin dadweynaha reer Berbera oo ay ka mid ahaayeen aqoon yahano, siyaasiyiin, masuuliyiin hore, dhalinyaro iyo haweenba.

Hadaba marka la eego xaaladaha adag ee ay wakhtigan la joogo ku jiraan dadka reer Berbera iyo baahiyaha kala gedisan ee ka taagan gobolka ayaa loo arkaa in Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi,  uu yahay  shaqsiga keliya ee loo arko in uu yahay ninka ka saari kara, haddii madax looga dhigo gobolka Saaxil.

Gobolka saaxil ayaa xiliga la joogo waxay u baahan tahay cidii wax ka qaban lahayd kor u qaadidda dhamaanba adeegyadda bulshadda, sida shaqo abuurka, caafimaadka, biyaha, waxabrashadda, kalluumaysiga.

Sidoo kale wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee kala duwan oo ay ka midka yihiin sibidhka iyo Ranjiga oo ku duugan degaamadda gobolka Saaxil, kuwaasoo ay dhamaantoodba ka faa’iidaysigoodda ka aradan yihiin bulshadda gobolku.

 

 

COMMENTS
LINKS