Casharkan Suudaan immika bilowday innagu hore ayaynu u soo qaadanay, oo Siyad Barre iyo askartiisii iska xoraynay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Casharkan Suudaan immika bilowday innagu hore ayaynu u soo qaadanay, oo Siyad Barre iyo askartiisii iska xoraynay
June 3, 2019 - Written by Reporter:

Askarta Bahalaha ah ee Dadka Dawladnimada Saxda ah raba ku laynaya Suudan; 9 Qof ayay Dileen Maanta; Way Shadiideen runtii!!! Waa Shuhado!!!

Casharkan Suudaan immika bilowday innagu hore ayaynu u soo qaadanay, oo Siyad Barre iyo askartiisii iska xoraynay; Geel laba jir soo wada mar; Xaq uma laha askartu in ay maalin xukumaan dalka; cimri dherer ayay rabaan; waa in ay degdeg isaga wareejiyaan xukunka, oo ay ku wareejiyaan dad shicib ah, oo aan dirays xidhnayn; waa in ay shaqadooda qabsadaan oo waddanka difaacaan ama xeryahooda ku noqdaan ciidanku.

Ma Suudaan oo arkaysa Ethiopia oo heeryadii kalitalisnimada tuurtay ayaa aqbali karta in ay ku sii jirto cagta hoosteeda!!!; Ethiopia intay doonaan ayay ka ilbaxsan yihiin kana tacliin badan yihiin Suudaaniyiintu, waana deris, oo xad bay wadaagaan; Masar iyadu way ka yara fogtahay!!!; iyaduna waa dhuxul dambas huwan, ee ha u daymo la’aan.This the beginning of end of dictatorship!!

Kollay aniga qiyaastaydu waxa weeye, ha kala horreyaan waddamadu, ee waddanka ugu danbeeya (iska jir, ugu danbeeya ayaan ku idhi) wuxu iska tuurayaa heeryada kali-talisnimada marka uu buuxsamo hal qarni xilligii gobonimada ay qaateen waddaamaddii reer galbeedku gumaysan jiray; ka soo xisaabi around 1950, ku dar boqol sano; that is to say around 2050; waan hubaa marka taariikhdaa la gaadho in aan kali talis ka jiri doonin waddamadii gumaysigu xornimada siiyay 1950s- 60s ee qanigii hore; In yar baa ka hadhee hinjiyaay!!!

Anigu waqti yar baan u aqaan muddadaas, marka laga hadlayo taariikhda ummadaha, adiguna?!!!’ waa soddon sano oo halgan muwaadin iyo harrati kali talis sii socda; nasiib wanaag kuma jirno innagu; godkaa mar hore ayaynu ka soo baxnay, laakiin bahashii dimuqraadiyadda ahayd ayaynu la dayaysanahay; dan ba waynu u gagab goyn; in yar baa iyana ka hadhay, ee hinjiyaay?!!! Rajo fiican ayaan arkayaa dalkeena Somaliland!!!; ha dhegyasan wax ma garatada cimrigeeda iyo caloosheeda wax ku cabbirta; la soco oo intaad nooshahay xagga saxda ah taariikhda u riix!!!

Somaliland ha noolaato!!!

Prof: Cabdi Cali Jaamac

Cabdo: Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS