Ganacsade guri u dhisay Wiil waxku hoos baranayey laydhka wadada ku xidhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade guri u dhisay Wiil waxku hoos baranayey laydhka wadada ku xidhan
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Victor Angulo, oo dadiisu ay tahay 12 jir ayay kamarada amaanka ee CCTV-ga loo yaqaanaa ay qabatay bishii March isaga oo wax ku hoos baranaya laambad ku xidhnay wadada magaalada Moche ee dalka Peru, taas oo ay sababtay gurigooda oo aan lahayn wax laydh ah.

Ganacsade Guri U Dhisay Wiil Wax Ku Hoos Baranayey Laydhka Wadada Ku Xidhan

Waxaana muuqaalka Video-gu uu muujinayey wiilkan yar oo wadada dhexdeeda ku dhamaystiraya shaqo-guri (homework) dugsiga looga soo diray, taas oo lagu baahiyey Instgram-ka, waxaanay arintaasi soo jiidatay Ganacsade, Yaqoob Mubarak, kaas oo bishii u dambaysay u duulay dalka Peru si uu ula kulmo wiilkaasi iyo qoyskiisa.

Isagoo Mr Mubarak uu ku soo noqday magaalada Moche tiraba dhawr jeer si uu u bilaabo shaqada gurigaasi.

Waxaanu Ganacsade Mubarak uu sheegay in wiilkaasi uu sameeyey sheeko weyn, oo ah sheekada guusha ugu weyn dhamaan caruurta aduunku.

Ganacsade Mubarak ayaa balan qaaday inuu qoyska wiilka siiyo lacag si ay ugu bilawdaan ganacsi iyo in uu siiyey mid ka mid ah Victor saaxiibkii oo ah naafo, gaadhiga naafadana lagu riixo.

Waxaanu wiilka yar ee Victor uu sheegay in Ganacsade Yaqoob Mubarak uu uga mahadcelinayo dhamaan waxyaabahaasi uu u sameeyey, iyo caruurta dugsigaba.

Munaasibad loo sameeyey Victor ayaa Maayarka magaalada Moche uu yidhi “Carlos Villanueva oo ah dadka degaanka ayaa kula soo wadaagay Instgram-ka muuqaalka Victor, halkaas oo uu arkay muuqaalka layaabka leh Yaqoob oo ka yimid dalka Bahrain, kaas oo ay taabatay fariinta muucaaqlku xambaarsan yahay qalbigiisa.”

COMMENTS
LINKS