“Boqor Cismaan Buur-Madow Wareysigii Laga Qaadey Waxa Ka Muuqatey ‘Beerka-jecli Xeydha-jecli” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Boqor Cismaan Buur-Madow Wareysigii Laga Qaadey Waxa Ka Muuqatey ‘Beerka-jecli Xeydha-jecli”
June 7, 2019 - Written by Editor:

Boqor Cismaan Buur-Madaw Wareysigii Laga Qaadey Waxa Ka Muuqatey ‘Beerka-jecli Xeydha-jecli Yacnihii Wuxuu Ku Kalsoonaan Waayay Inaan Cid Ka Aqbaleysaa Jirin Shir uu Ku Baaqo Isagu Taas oo Macnaheedu Yahey Lama Aaminayo,oo Qawlkiisa Waxaa ka Dambeeya ama ka dambeyn karra Mustafeyn iyo arimo kale oo Dhaqan iyo Caado u ah Maadaama aanu laheyn Axdi ay Fulinayaan Iyadoo Tusaale Looga Soo Qaadanayo Heshiisyadii Ceel-Afweyn.

Marka laga yimaado Arimo hore iyo Heshiisyo Hore oo lagu kala Baxey Soomaalidu Waxey tidhaa “Waxay Indho arkayaan Ayey ilko Gooyaan, Mawduuca Jawaabta Uu Boqorku ka Bixiyay Cabdikariin-Xinif Waxey ku Xidhiidhsan Tahey Arin Siyaasadeed sida uu ka dhawaajinayo Xisbiga Kulmiye Wareejintiisa iyo Arimo la Xidhiidha,taas oo aanu iyana Si Cad u Saafin balse uu Dusha ka tab taabtey inkastoo uu ku talaxtaggey Laftana jabiyay isagoo aan ku Xeerin qaabkii Xeerbeegtida ama Madaxdhaqameedku ugu hal Celin yaan Qof Bulshada uu Dhaqanka u Sheeganayo kamid ah.

Marka la isku Soo ururiyo Hadalkiisu Waxa uu kusoo dhamaanayay “Ussoo diyaar garrooba oo Dooxa-Ka Qaatta Walle Kale.

QALINKII; SAXAFI CABDIRAXMAAN NUUX (HIIRAAN)

COMMENTS
LINKS