Intii Boqor Cismaan Buurmadaw Hadlay Maxaynu Maqlaynaa?Qalinkii; Maxamed Tarabi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Intii Boqor Cismaan Buurmadaw Hadlay Maxaynu Maqlaynaa?Qalinkii; Maxamed Tarabi.
June 10, 2019 - Written by Editor:

” Kulmiye Wuxuu ka Xanaaqaa Burco wey midawday” Xildhibaan Waabeeye. Muuse Biixina Wuxuu ka Xanaaqaa Burco Wey Shiraysaa”.

” Ciidan Buurmadaw leeyahay ayaa u tallaabay Puntland” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ku hadlaya afkii Xukuumadda.

Waxaad isweydiisaan hore miyaad u maqasheen ciidankan? Hadduu Boqorku leeyahay ciidan Sanaag jooga maxaa Caarre loo eryaday kuwanna loo qarsanayey? Maxaa shirkan Boqorku sheegay ku soo beegay dacaayaddan?

” Kulmiye wuxuu ka xanaaqaa Burco wey midawday” Xildhibaan Waabeeye. Muuse Biixina wuxuu ka xanaaqaa Burco wey shiraysaa.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo shalay hadley wuxuu yidhi ” Waddani waxa loo waayi doonaa sidii UDUB” oo macnaheedu yahay Xukuumaddu raalli kama aha inay Ceelafweyn, Ceerigaabo, iyo Burco midnnimo ka dhalato ma rabno weeye hadalku. Ha heshiinina oo isdila weeye, Buurmadaw intaas baa lagu haystaa. Uuse diidey inuu ka edebsado. “Aniga fikirkayga cidna kagama edebsado” sidaas buu Boqor Cismaan inoo sheegay. In la xidho waxa keenaysa waxbuu diidaa. Maantase haddii intaas lagu xidho waa calaamadu su’aal saarnaaan doonta dadkiisa.

Boqor Cismaan Buurmadaw wuxuu inoo sheegay in Xukuumaddu aanay daacad ka ahayn heshiiska Ceelafweyn oo dadkii magta guri lahaa, eedeysanaha qabana lahaa, ay Xukuumaddu xidhayso si dadka wax magaratada ahi isugu soo hadhaan.

Wuxuu inoo sheegay in Wasiirradii Arrimaha Gudaha, Ciyaaraha, Xanaannada Xoolaha, intuba aanay fulin wixii ay ballan qaadeen. Taasina ay tahay daacad kama aha.

Arrinkase yaabka lihi waxa weeye, maalin walba ciidamaa goosta, Suldaan laguma eedeeyo, Siyaasi laguma eedeeyo, waxa Buurmadaw loogu eedeynayo waa kaliya shirkaas oo aanu Muuse Biixi rabin.

Boqor Cismaan Buurmadaw waa inuu waddankii tago, waayo waa la tunjileecsaday in badan baa lagu gefay waa inuu tago si markale loogu gefo.

Rajadii ciidankii waa la burburiyey, rajadii wax wada qaybsiga meesha waa laga saaray, muwaadiniintu xurmo kuma qabaan waddankooda oo waxay ku xidhmaan rabitaanka qofaf kale.

Sidan ay u socoto haddii Kornaylladu wax u sii wadaan waxa iman doonta in la helo kumanyaal la wada si ay wax u wadaan.

Wasiirkii Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xilligii Daahir Rayaale ayaa waxay isqabteen koox Fannaaniin ah oo uu ku jiray Xasan Ganay. Xasan baa ugu maahmaahay “Bacadka iyo cadceeddaad noogu timiye, hadhka iyo qabawgaannu kuugu iman”

Hogaamiyihii aan Heegada aqoon Daahir Rayaale wuxuu yidhi ” Qoolley qoorqabasho kuma biya cabto”

“Aa la tahay”

QALINKII; MAXAMED AADAN TARABI

COMMENTS
LINKS