Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Jaamacadda Makele Ee Dalka Ethiopia Oo Heshiis Kala Saxeexday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Jaamacadda Makele Ee Dalka Ethiopia Oo Heshiis Kala Saxeexday!
June 10, 2019 - Written by Editor:

MAKELE (W,N) Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland iyo Jaamacadda Makele University ee maamulka Qoomiyadda Tigree ee dalka Ethiopia ayaa maanta ku kala saxeexday xarunta Jaamacaddaasi ee magaalada Makele isfaham la xidhiidha sidii ay Jaamacadaasi uga caawin lahayd Somaliland aqoonta dhinaca biyaha.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo haatanku sugan xarunta ismaamulka Tigree-ga ee dalka Itoobiya magaalada Makele, waxa ay Jaamacadaasi wada gaadheen is-faham (MOU), la xidhiidha inay Jaamacadaasi wasaaradda gacan ka siiso dhinaca aqoonta iyo inay ka caawiso hababka loo kordhiyo dakhliga horumarinta biyaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha oo arimahaasi ka hadlayaana wuxu yidhi “Waxa aanu maanta kala saxeexanay annaga iyo Jaamacadda Makele heshiis is-faham ah oo la xidhiidha sidii ay Jaamacaddu gacan uga geysan lahayd kor u qaadida aqoonta dhinaca biyaha ee Wasaaradda iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha ee lagu horumarin karo biyaha, sababta oo sida la ogyahay deegaanka Tigree ee Itoobiya waa deegaanka keli ah ee gobolkani Geeska Afrika ku yaala ee roobka ku da’a aanay dhibic ka mid ahi dhaafin, sidaasi darteedna aqoonta iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin arrintaasi darteed ayaanu doonaynaa inay Somaliland gacan ka siiyaan sidii biyaha roobka loo qaban lahaa” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland waxa uu labadii maalmood ee udambeeyeyba safar shaqo ku joogaa dalka Itoobiya, gaar ahaana maaaladda Makele ee xarunta maamulka Tigree-ga ee dalkaasi, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho masuuliyiinta deegaankaasi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS