Xukuumadda Somaliland Oo 11 Bilyan U Qoondaysay Horumarinta Biyaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo 11 Bilyan U Qoondaysay Horumarinta Biyaha.
June 10, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wasiirka Wasaarada horumarinta Biyaha Somaliland Saleban Yuusuf Cali Koore, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariic kala duwan oo ay Wasaaraddiisu ka  wado dalka, waxaanu daboolka ka qaaday in mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa uu gabogabo ku dhawyahay.

Wasiir Koore oo waraysi siiyey Telefishanka Kalsantv, ayaa Bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka faa’idaystaan Biyaha roobka oo uu tilmaamay inay dawladduna xoogga saartay sidii loo abuuri lahaa meello lagu qabto biyahaas si loogu yareeyo biyo-yaraanta ka jirta Dalka.

Wasiirku waxa uu daboolka ka qaaday inay dalka ka hir-geliyeen tobanaan mashruuc oo wax lagaga qabanayo Biyaha, dedaal weynna ay ugu jiraan sidii loo gaadhi lahaa haqab-beel dhanka biyaha ah.

“Qof kasta oo hanti haysta oo reer Somaliland ah, mid aan hanti haysan iyo qof kasta oo awooda waxaan ugu baaqaynaa inay Biyaha roobka qabsadaan oo ka faa’idaystaan, waxa looga faa’idaysan karaa Beeraha, waxa lagu isticmaali karaa dhismaha, maydhista iyo cabitaankaba, markaa qof kasta hadduu gurigiisa biyaha ka dhacaya Taango u dhigto oo uu ku kaydsado wuxuu yaraaynayaa isticmaalkii kale ee Biyaha la iibsanayo”

“Qofkuna in uu biyaha roobka qabsado wax u diidayaa ma jirto iyo sharci ka hor-istaagayaa ma jiro” ayuu yidhi  Wasiirka oo intaasi ku daray in Miisaaniyada Wasaaradda sanadkan lagu daray Kharash loogu talo-galay qodaalka Dhaamam waaweyn  iyo Ballayo lagu qabanayo Biyaha Roobka “Miisaaniyada waxa noogu jira 11 Bilyan oo Shillin oo loogu talogalay in lagu qodo Dhaamam iyo Ballayo. Lacagtaasi waxa laga yaabaa inay laba Dhaam iyo dhowr bali qodo. Waxa kale oo jira kuwo aanu la kaashanayno Baanka horumarinta Afrika iyo qaar Madaxweynuhu bixiyey Kharashkooda qayb kamida.”

Wasiirka ayaa sheegay in horumarinta Biyuhu halkii ugu fiicnayd marayso “Xukuumadda Kulmiye intii ay talada haysay waxa laga qabtay Biyuhu waxay sagaashan jeer ka badan tahay wixii laga qabtay sagaashankii sanaddood ee ka horeeyey”. – “Mashaariicda biyaha ee aanu iminka wadnana waxa laga maal-geliyey cashuurtii laga qaaday Muwaadiniinta oo dib loogu celiyey, waxa kamida Dhaam aanu Salaxley ka bilownay,  mid aanu Taleex ka qodnay, kuwo aanu Allay-baday iyo Gabiley ka samaynay”

Saleeban Yuusuf Cali Koore waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in mashruucii Biyo-balaadhinta Hargeysa uu marayo meel gabogabo ah, isagoo rejjo ka muujiyey in dhawaan “mashruuca Biyo balaadhinta Hargeysa, waxa uu marayaa marxalad la odhan karo waa halkii ugu dambeysay, in uu si dhakhso ah u dhamaado ayaanan ku rajjo waynahay” ayuu yidhi .

Wasiirka ayaa geesta kale, sheegay inay Xukuumadda wada-tashi iyo ixtiraam kula macaamilayso Bulshada ku dhaqan Gobolka Badhan oo muddooyinkan dambe faro-gelin siyaasaddeed uu Maamulka Puntland ka wado, waxaanu intaasi raaciyey in dhacdooyinkii u dambeeyey Gobolkaas ka dhacay aad loo buun-buuniyey. “Somaliland waa dal Dastuur iyo xuduud leh, waxa madaxweyne ka ah hogaan shacbigu soo doortay oo cod shacab ku fadhiya, wuxuu Dalku leeyahay dhul iyo xuduuddo ku cad Dastuurka cidna ka ogolaan mayno inay ku soo xad-gudubto xuduudahayaga” ayuu raaciyey.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS