Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Oo Xil UMagacaabay fannaanka Nimcaan Hilaac Oo Hore Uga Cararay Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Oo Xil UMagacaabay fannaanka Nimcaan Hilaac Oo Hore Uga Cararay Somaliland.
June 11, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 loogu oggaaladay in uu kamid noqdo Hoballada Waaberi, Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac) oo kamid ah fanaaniinta dhalinyarada ah ee sida wayn looga xiiseeyo deegaanada Soomaalida.

Nimcaan Hilaac wuxu ku barbaaray magaalada Boorama, halkaas oo uu ku dhamaystay waxbarashadiisa.

Fanka wuxu ka bilaabay magaalada Boorama sanadkii 2012,muddo yar kadib sannadkii 2013 bishii Maarso wuxu ku biiray kooxda fanka ee Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargaysa.

Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi,sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Sonna.

Nimcaan Hilaac sidee ayuu ku yimid Muqdisho?

Sannadkii 2015 bishii July ayuu yimid magaalada Muqdisho, si uu halkaas uga dhigo Bandhig Faneed uu la qaadanayay bulshadii waqtigaas joogtay magaalada Muqdishu oo uu ku lahaa taageerayaal badan, sannadkii 2017-kii ayuu si buuxda ugu soo wareegay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barroow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran, sida lagu daabacay Sonna.

 

COMMENTS
LINKS