Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tuke-raq Ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tuke-raq Ee Gobolka Sool
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Tuke-raq (WJN) –  Abaarro 2-dii habeennimo ee Xalay waxa dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Khaatumo.

Ciidamo ka mid ah kuwa Khaatumo ayaa Weerar ku qaaday Ciidammada Somaliland ee fadhiisinimada ku leh Tuke-raq, gaar ahaan Saldhigga dhanka Bariga, waxaana halkaa ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Noocyada kala gedisan ee Hubka.

Sarkaal ka mid ah Khaatumo ayaa sheegay in ay weerar Ciidamadoodu ku qaadeen Ciidammada Somaliland ee fadhiya bariga degmada Tuke-raq, balse illaa hadda lama oga khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac.

Dhanka kale, Dadka ku nool deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay ku tooseen deryanka hubka, arrintaasina ay cabsi ku abuurtay.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS