Eedaymo Loo Jeediyay Ilhaan Cumar iyo Saygeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eedaymo Loo Jeediyay Ilhaan Cumar iyo Saygeeda
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Minnesota (WJN) – Ilhaan Cumar oo ah gabadha qeyb ka mid ah gobolka Minnesota u matasha aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay sharciga casbhuuraha ee dalkaas, ayna si khaldan u adeegsatay dhaqaalaha loogu tala galay ol’olaha doorashada.

Bogga arrimaha ganacsiga ka faallooda ee ‘Businessinsider’ ayaa qoray sheekadan oo uu kasoo xigtay wakaaladda wararka ee AP.

.

Saraakiisha gobolka Minnesota u qaabilsan maareynta iyo dabagalka dhaqaalaha ol’olaha ayaa sheegay in Ilhaan ay cashuur celin wadajir ah la sameysay ninka ay hadda xaaskiisa tahay kahor inta ayna si sharci ah isu guursanin.

Xilliga ay cashuur celintaas la sameyneysay ninkan ayey sheegeen inay xaas u ahayd nin kale.

Guddiga maaliyadda iyo soo bandhigidda arrimaha dadweynaha ayaa sheegay in Ilhaan iyo seygeeda hadda la nool ay cashuur celintaas sameeyeen sanadihii 2014-ii iyo 2015-kii.

Laakiin waxay si sharci ah isu guursadeen sannadkii 2018-kii.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Ilhaan ay si khaldan u maareysay dhaqaalaha loogu tala galay in loo adeegsado howlaha la xidhiidha ol’olaha doorashada.

Kooxda ol’olaha ee Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabi waayay su’aalo ay weydiisay wakaaladda Warar AP, hase yeeshee waxa ay goor dambe soo saareen bayaan ay ku sheegeen in dhammaan howlihii la xidhiidhay dhinaca cashuur celinta ay u sameeyeen si sharciga waafaqsan.

Eric Johnson, oo ah qareen sharciyada la xidhiidha cashuurta ka bartay jaamacadda magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dadka cashuurta bixiya ee sida khaldan u celiya “iyagoo wadajir ah” ayna arrintoodu noqoneynin fal dambiyeed.

Waxa uu intaas ku daray in haddiiba dib laga saxo ayna ka imaaneynin wax cawaaqib xumo ah.

hase yeeshee, arrintan ayaa culeys hor leh sii saareysa Ilhaan, waxaana ka faa’iidystay dadka iyada dhaliila, kuwaasoo hadda soo qoda waxyaabihii ay hore usoo martay.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS