Dumarku maxay uga mushaar yar yihiin ragga kubadda ciyaara? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dumarku maxay uga mushaar yar yihiin ragga kubadda ciyaara?
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaaraha kubadda cagta ee haweenka ah ayaa ku baahaya dunida, iyadoo la filayo in tageerayaasha kubadda haweenka ay guud ahaan gaadhi doonaan hal bilyan.

Balse waxaa sare u kacaya su’aalaha la xidhiidha inta uu gaadhayo mushaarka ciyaartoyda haweenka ay qaataan iyo abaal marinada la guddoonsiiyo marka loo barbardhigo dhiggooda ragga ee ciyaara kubadda cagta.

Ciyaartooyda haweenka ee Mareykanka ayaa qaaday koobkii haweenka ee adduunka sannadkii 2015-kii

Hope Solo oo ka mid ah xulka qaranka Mareykanka ee ku guuleystay Koob Adduunka waxay sheegtay in farqiga u dhexeeya abaal marinta iyo mushaaraadka ciyaartoyda ragga iyo haweenka ay muujineyso sida xidhiidhka kubadda cagta adduunka uu uga xaglinayo dhanka ragga.

Abaal marinta haweenka kubadda cagta

Kooxda ku guuleysata ciyaaraha kooba adduunka ee haweenka sannadka waxaa la guddoonsiin doonaa $4m doolar oo ka badan lacagtii la siiyay ciyaarihii sannadkii 2015-kii.

Ada Hegerberg has declined to play for the national team since 2017

Wadar ahaan, xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka ayaa u qondeeyay dhammaan xulalka ka qeybgalaya koobka haweenka adduunka, lacag gaadheysa $30m oo doolar, si loogu abaal mariyo kooxaha.

Sannadkii lasoo dhaafay, ciyaarihii koobka adduunka ee haweenka waxay FIFA ku abaalmarisay kooxahii ka qeybgalayay tartankaas lacag gaadheysay $400m oo doolar.

Abaal Marinta ciyaartooyda

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ayaa lacagaha abaal marinta guddoonsiiya xulalka, waxaa marka dambe go’aan ku aadan abaal marinta ciyaartoyda gaara xulalka iyo maareynta lacagta la siiyay.

Sida laga soo xigtay ururrada ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda dunida ee Fifpro, haweenka kubadda ciyaara ee ka ciyaara galbeedka Yurub, waxay mushahar ahaan u qaataan bil kasta €1,000-2,000 oo Euro, halka maalinkii ay gunno ahaan u qaataan €50 ill €100 oo Euro ah, marka ay u ciyaarayaan xulkooda qaranka.

Halka, ciyaartoyda kasoo jeedo dalalka saboolka ah ee dunida ay mushahar yar qaataan marka ay matalayaan xulalkooda qaranka.

Mushaaraadka iyo abaal marinada la siiyo ciyaartoyda haweenka ayaa ka yar midka la guddoonsiiyo ragga.

Saddexda sano ee soo socota, xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka waxaa uu qorsheynayaa in uu ku maalgeliyo ciyaaraha haweenka, lacag gaadheysa ilaa $500m oo doolar.

Codsiga ah in la helo caddaalad

Fran Kirby , waxay u dheesha xulka qaranka ee Ingiriiska

Mareykanka, kooxaha haweenka ee ciyaara kubadda waxay qaadeen tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cabashada mushaaraadka.

Ururada ay ku midoobeen ciyaartoyda Australia ayaa ku baaqay in mushaaradka ragga iyo haweenka la simo.

Xulka haweenka ee Nigeria ayaa sannadkii 2016-kii ka dibadbaxay abaal marintii la guddoonsiiyay markii ay ku guuleysteen ciyaarihii haweenka ee koobka Qaramada Afrika.

 

COMMENTS
LINKS