Masuuliyiinta Waxbarashada oo La Kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada Ee Gobollada Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Waxbarashada oo La Kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada Ee Gobollada Dalka
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) –Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo ku guda jira u diyaar garawga Imtixaanka shahaadiga ah oo dalka ka bilaami doona maalinta Sabtida ah ee 15 bishan ayaa maanta kulan la yeeshay  ilaaliyayaasha iyo guddoomiyeyaasha gobollada ee ka hawl-geli doona qeybinta iyo ilaalinta Imtixaanaadka.

Ugu horaynba waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku u baahan tahay in xil weyn layska saaro sidii loo ilaalin lahaa loona sugi lahaa caddaaladda Imtixaankaasi, isagoo intaas ku daray inay guddoomiyaasha iyo xafiiska Imtixaanaadku ay heshiis wada galeen ayna waajib tahay in dhinac kastaa ka soo baxo waajibaadkiisa.

Sidoo kale,  waxa halkaas ka hadlay Cadnaan Hagoog oo ka socday midawga Yurub iyo Axmed C/laahi oo ka socday Hay’adda African Education Trust oo taageerta  xafiiska Imtixaanaadka iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaamay inay tahay sannadkii u dambeeyey ee ay la shaqaynayaan xafiiska Imtixaanaadka, iyagoo u rajeeyey in Illaahay ku guuleeyo dedaalka ballaadhan ee ay wado wasaaradda Waxbarashadu.

Sidoo kale, waxa madashaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed, Waxaanu  sharraxay shuruucda iyo nidaamka loo dhigay Imtixaanka, isagoo ilaaliayayaasha kula dardaarmay inay waajibaadkooda gutaan iyagoo ku baraarugsan xisaabta hortaala if iyo Aakhiraba.

Agaasimaha Waxbarshadu wuxuu xusay in cid kasta oo ku gafta nidaamka Imtixaanka la horgayn doono maxkamadaha dalka.

Dhanaciisana  Agaasimaha guud ee waxbarashada sare Axmed Muuse Muraad, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tayada waxbarashada lagu tayeyn karo Imtixaanaadka dugsiyada hoose dhexe iyo ka dugsiyada sare, oo lagu soo saari doono Arday aqoontoodu dhisan tahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Md. Maxamed Daahir Axmed, oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Ardayda waqtigan Imtixaanka u fadhiisanaysaa tahay hoggaamiyeyaashii bari ee bulshada isla markaana ay hanboon tahay in dedaal xoog leh la geliyo si ay u noqdaan hoggaamiyaal wanaagasan oo bulshada iyo dalkaba waxtara.

Ugu dambayntii waxa munaasibadaas soo gabogabeeyey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cismaan Jaamac Aadan, oo sheegay inay wasaaradda waxbarashadu hawl weyn soo qabatay imikana ay gacanta u gelisay masuuliyiinta kala duwan ee waxbarashada oo ay ugu horeeyaan guddoomiyeyaasha iyo ilaaliyaasha oo horeba hawshan u qaban jiray, loona baahan yahay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda, isagoo wasiirku xusay in qaranku amaan weyn u hayo aqoonyahannada kobciya aqoonta ubadkeena oo ah kuwa lagu aaminay waxbaridooda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa keentay qalab Telefoonnada hawada lagaga saarayo oo loogu talogalay in lagaga gaashaanto Qishka.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS