Madaxweyne Geele oo Daah-furay Shirka Madasha Dhalinyarada Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Geele oo Daah-furay Shirka Madasha Dhalinyarada Jabuuti
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN) – Madaxweynaha jamuuriyada Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geele, ayaa daah-furay kulan loogu magacdaray Madasha Dhalinyarada Jabuuti.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dhalinta iyo Isboortiga Jabuuti ayaa ahaa mid lagaga hadlayo arimaha Dhalinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kala duwan iyo kobcinta dhanka aqoontooda ee Dhalinyarada.

Dhinaca kale, Waxaa kulankan ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jabuuti, Marwadiisa koowaad, Ra”iisal wasaaraha Jabuuti, Wasiiro ka socda Xukuumada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Wakiilada hay”adda caalamiga u fadhiya Jabuuti oo ay ka mid yihiin UNDP iyo UNICEF oo iyadu maalgalisay hawlaha shirkan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Djibouti Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS