Milkiilaha Facebook Oo Oggolaaday Been Abuur Laga Sameeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milkiilaha Facebook Oo Oggolaaday Been Abuur Laga Sameeyay.
June 14, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Mas’uuliyiinta shirkadda Facebook ayaa sheegay inaysan bixin doonin muuqaal been abuur ah oo laga sameeyay milkiilaha shirkadda, Mark Zuckerberg, kaasoo uu shirkad kale ku xayeysiinayay.

Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa laga arkayaa Mr Zuckerberg oo horumarkiisa uga mahad celinaya hay’ad qarsoodi ah, inkastoo uu been abuur yahay.

Shirkadda muuqaalkan sameysay oo lagu magacaabo AI software ayaa lagu yaqaannaa inay sawirrada dadka u adeegsato inay ka sameyso muuqaallo laga arkayo iyagoo sameynaya waxyaabo aysan waligood ku dhaqaaqin.

Facebook ayaa horay loogu dhaliilay inay ku gacan seyrtay bixinta muuqaal been abuur ah oo laga sameeyay afhayeenka aqalka Koongareeska Mareykanka Nancy Pelosi.

Go’aankan ugu dambeeyay ayaa si lama filaan ah ugu soo aaday xilli magaalada London looga dhawaaqay 500 oo shaqooyin cusub ah.

Maamulka Facebook ayaa sheegay in muuqaallada lasoo galiyo bartooda xidhiidhka bulshada ay u eegi doonaan shuruuc loogu talo galay inay waafaqaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in loo dhisi doono qalab dadka shaqaalahooda ah ka caawiya inay fahmaan muuqaallada ama sawirrada dhibaatada keenaya, ka hor inta aan lagu fasixin hawada.

Facebook ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ka howlgala London ay gaarsiin doonto 3,000 oo ruux ilaa dhammaadka sanadka 2019-ka.

Horay waxaa facebook loogu soo rogay sharciyo dadka macaamiisheeda ah ka mamnuucaya inay soo galiyaa sawirro iyo muuqaallo naxdin leh ama kuwo anshax darro ah.

Hase yeeshee go’aanka ay shirkaddu ku oggolaatay muuqaalka milkiilaheeda ee la been abuuray ayey dadka qaarkood u arkaan mid horseedaya in dad badan ay ku dhiirradaan xad gudubyo loo adeegsado dhinaca Tiknoolojiyadda.

Shirkadda Facebook ayaa dhawaan daahfureysa barnaamij cusub oo sharraxaya sida ay u go’aansato waxyaabaha kasoo muuqda bogagga hore ee dadka isticmaala adeeggooda.

Batoon cusub oo ay ku qoran tahay su’aasha ku saabsan sababta aad waxyaabaha uga arafgtid shaashadda ayaa kuu caddeyn doona tallaabooyinka ay facebook u qaadday in ay kuu soo muuqdaan.

Waa markii ugu horreysay ee ay shirkaddan macaamiisheeda u oggolaaneyso inay wax ka ogaadaan macluumaadkeeda sirta ah ee la xiriira shuruucdeeda.

Shirkadaha Facebook, Twitter, Youtube iyo kuwo kale ayaa horay loogu dhaliilay inay iska go’aansadaan waxyaabaha u soo muuqda macaamiishooda, iyagoo aan sharraxaad ka bixinin sida ay howlahaas u maareeyaan.

 

Mas’uuliyiinta Facebook ayaa BBC-da u sheegay in adeeggan cusub uu maanta u furan yahay qaar ka mid ah macaamiishooda ku sugan dalka UK, balse waxay ballan qaadeen in dunida oo dhan si rasmi ah looga arki doono wixii ka billowda 2-da bisha May ee soo socota.

Batoonka lagu ogaanayo sirtan ayaa kasoo bixi doona qeybta kore ee dhanka bidix ah.

Facebook ayaa sheegtay in ay macaamiisheeda usoo bandhigi doonto siro kale oo ku saabsan habka ay u shaqeyso.

Waxay dadka u oggolaan doonaan inay ogaadaan sababta ay u arkaan xayeysiimaha, oo soo muuqanayay ilaa sanadkii 2014-kii.

Shirkaddan ayaa horay ula kulantay eedeymo fara badan oo ku saabsan in xog lagu xaday iyo in lagu faragaliyay hannaanka doorashooyinka ka dhacay dalalka qaarkood.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ku baaqay in dowladaha ay sameeyaan sharciyo arrimahaas wax looga qabto, isagoo sheegay in shirkadaha kaligood aysan awooddaas yeelan karin.

 

COMMENTS
LINKS