Maayirka Hargeysa oo Lagu Soo Oogay Dacwad Ugub Ku Ah Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayirka Hargeysa oo Lagu Soo Oogay Dacwad Ugub Ku Ah Somaliland
June 16, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Nin ka mid ah dadka deggan magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo, Cabdi Duco ayaa sheegay in maayarka Hargeysa uu ku soo oogi doono dacwad ugub ku ah Soomaalida.

Cabdi Maxamuud Daahir, oo loo yaqaan Cabdi Duco, ayaa siduu sheegay maanta geynaya maxkamadda magaalada Hargeysa dacwad uu kaga cabanayo in maayarka magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteelko uu ka saaray barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga oo ay asxaab ku ahaan jireen.

Cabdi Duco

Ninkan waxa uu ku doodaya in aannu maayarku xaq u lahayn in uu iska saaro, isla mar ahaantaana ay la mid tahay sidii in laga celiyey xafiis dawladeed.

Cabdi Duco ayaa sheegay in maayarku uu matalo bulshada oo idil isaguna uu ka mid yahay bulshadaas la doonayo in uu u adeego.

” Maayar markaynu leenahay maaha qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay”. Ayuu yidhi Cabdi Duco.

Cabdi ayaa sheegay in uu yahay nin dhismaha ka shaqeeya uuna u baahan yahay xogta magaalada sidoo kalena uu kasoo horjeesan karo mayaarka ama uu taageeri karo.

Image result for maayarka hargeysa

Waxa uu sheegay in maayarku uu bartiisa facebuugga ka saaray kaddib markii uu siyaasaddiisa dhaliilay.

” Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay”. ayuu yidhi.

Cabdi Duco waxa uu intaas ku daray in halka maayarku uu ka saaray aanay ahayn barta dawladda hoose ay tahay bartiisa gaarka u ah.

Mar la waydiiyey in maayarku uu xaq u leeyahay cidda uu bartiisa ka saarayo iyo cidda uu daynayo ayuu ku jawaabay.

“Baraha bulshadu waa meel la wada leeyahay, isaga maayar ahaanna waa hanti ay dadweynuhu leeyihiin”.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo loo xidhay wax ay halkaas ku qoreen oo aanu jirin xeer arrintaas ka yaal isaguna uu yahay qof shacab ah oo xaq u leh in uu helo xagta magaaladiisa.

Ninkaan ayaa sidoo kale sheegay in dacwaddan uu qareen u qabsaday uuna doonayo in uu maayarka maxkamad la tiigsado.

“Anigu qof baan ahay shacab ah, xeer baa iga dhigay shacab, madaxweynaha iyo maayarkana xeer baa ka dhigay xeer baan xilalkan ay hayaan u dhiiba, qofka la ciqaabayo xeer baa ciqaabtiisa sheega ee maaha qofka rabitaaankiisa”.

Cabdi ayaa ku doodaya in uu maxkamadaha ka doonayo in ay kiiskiisa qaadaan, si la mid ah sida dadka facebook-gga waxyaabaha qaar ku qoroba loo ciqaabo.

“Anigu kiiskayga haddii aanay maxkamaduhu siduu yahay u qaadayn majirto sabab ay xeer ciqaabeed ugu qaadi karaan qof facebook-gga wax ku qoray, waana labo isku xidhan”.

Si kastaba ha ahaatee dacwaddan ayaa ah mid ku cusub dhagaha Soomaalida, waana markii ugu horraysay oo qof shacab ahi uu masuul dawladeed ku dacwaynayo arrimo la xidhiidha baraha bulshada.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS