Taariikhda Mid ka Mid ah Aqoonyahannada Sucuudigu Xidh-Xidhay!Qalinkii;Cabdilaahi Beershiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikhda Mid ka Mid ah Aqoonyahannada Sucuudigu Xidh-Xidhay!Qalinkii;Cabdilaahi Beershiya.
June 16, 2019 - Written by Editor:

Awooda Ereyga…. ( Afku Wuxu la Xoog yahay Magliga Xawda kaa Jara’e)

  1. Dr. Ciwad Maxamed Al-Qarni

Dr. Ciwad Al-Qarni waa wadaad Sucuudi ah oo ka mid ah aqoonyahanada dalka Sucuudiga gudihiisa ugu xidhxidhan aragti ay ka yeesheen qaar ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ka jira wadamada Khaliijka.

Wuxuu ku dhashay goobta lagu magaacaabo Casiir oo ku taal dhinaca koonfur-galbeed ee wadanka Sucuudiga, takhasuskiisa aqooneedna waa shareecada islaamka, gaar ahaan wuxuu bartay Fiqiga iyo usuushiisa.

Intii aan la xidhin ka hor waxa uu bare ka ahaa qaar ka mid ah jaamacada dalkaasi, gaar ahaan jaamacada Al-Imam Maxamed iyo jaamacada Boqor Khaalid.

Dr. Ciwad waxaa uu ka tirsan yahay ururka caalamiga ah ee tobabarayaasha barnaamijyada maskaxda la xidhiidha ee loo yaqan NLP ( Neuro- Linguistic Program) oo magaciisa la yidhaahdo International Association for Neuro-Linguistic Programming, waxa gacantiisa ku islaamay mar uu hadal ka jeedinayey shir ka dhacay wadanka Baxreyn oo lagaga wada hadlayey barnaamijka NLP, ninka madaxda ka ah ururkaasi oo la yidhaahdo Dr. White WD Small.

Buuggaagta u qoray oo aad u tiro badan waxa uu muhiimsan buug dood badan ka dhex dhaliyey dalka Sucuudiga gudihiisa oo uu kaga waramayo aragtiyaha Casirga ah iyo miisaaka Islaamka, kaas oo si gaar ah ugu qaadaa-dhigayo aragtiyaha Caalamiyeynta ( Globalization), Cilmaaniyada (Secularism) iyo qoddobo la mid ah.

Waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay dadka dhifta ah ee maanta lagu tilmaami karo inay yihiin dadka loo yaqaan Mufakiriinta ee koobsaday aqoonta casriga ah iyo aqoonta diinta, inta bandanna wuxuu aad uga hadlaa dhacdooyinka ka jira dunnida muslimka, sidoo kalena muxaadarooyinka iyo hadallada u jeediyo waxa ay saameyn weyn ku sameeyaan bulshooyinka ku dhaqan wadammada Carabta gaar ahaan dalalka Khaliijka.

Dr. Qarni waxa ay dowladda Sucuudigu xabsiga u taxaabtay sannadkii 2017-kii iyada oo lagu eedeeyey inuu taageersan yahay ururo ay ula baxday dowladda Sucuudigu Argagaxiiso sida Ururka Xamaas iyo Ururuka Ikhwaanul Musliim, sidoo kalena waxa u taageero siiyey ayey tidhi dalka Qatar.

Ugu dambeyn bishii siddeedaad ee sannadkii 2018-kii ayey Xeer ilaalinta guud ee Sucuudigu codsatay in la deldelo sheekhaasi, maadaama lagu soo eedeeyey falal ku lid ah dalka Sucuudiga.

QALINKII; CABDILAAHI BEERSHIYA.

COMMENTS
LINKS