Waajibka Kowaad Ee Qabsoomida Doorashooyinka Waxuu Saaran Yahay Madaxwaynaha, Mana Jirto Cid La Wadaagtaa.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waajibka Kowaad Ee Qabsoomida Doorashooyinka Waxuu Saaran Yahay Madaxwaynaha, Mana Jirto Cid La Wadaagtaa..
June 16, 2019 - Written by Editor:

Waajibka Kowaad Ee Qabsoomida Doorashooyinka Waxuu Saaran Yahay Madaxwaynaha, Mana Jirto Cid La Wadaagtaa.. Sida Ku Cad Dastuurka S/land!

Dastuurka Jamhuuriyada S/land Qodobka 90 aad Faqradiisa

1 aad waxuu si cad ugu qeexay in Madaxwaynuhu yahay Astaanta midnimada Ee Bulshada S/land, sida ku cad Qodobkan .

1: Madaxwaynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawlada waa Astaanta Midnimada Muwaadiniinta waxuu u xilsaaran yahay Daryeelka Haybada Dalka,Ilaalinta Nabadgalyada,Horomarinta Bulshada ,iyo Habsami u socodsiinta Maamulka Dawlada si uu gudan karo hogaaminta Siyaasada Xukuumada .

Mar kale,si ay u qabsoomaan Doorashooyinka dib u dhaca badan ku yimid waajibka koowaad ee Madaxwaynaha talada haya saaran yahay waxaa la gudboon in uu ku dhaqaaqo Labada Qodob .

1; Waa in Madaxwaynuhu S/land yagleelo soona diyaariyo Komishan Doorasho oo haysta kalsoonida Sadexda Xisbi Qaran .

2; Waa in Madaxwaynuhu S/land Muuse Biixi Cabdi horgeeyo Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida xeerka lagu galayo doorashada Golaha Wakiilada oo saami qaybsiga Golaha Wakiiladu ku jiro si ay waajibkooda uga gutaan .

Mar hadaanu Madaxwayne Muuse Biixi ku dhaqaaqin labadaa talaabo waxaa dib u dhaca Doorashooyinka Golayaasha Qaranka ka Masuul ah Madaxwaynaha talada haya .

 

COMMENTS
LINKS