G/Xigeenka Tog-Wajaale Oo Soo Gunaanaday Wareeg Kubadeed oo ay Ku Tartamayeen Ciyaartoyga Degmadu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
G/Xigeenka Tog-Wajaale Oo Soo Gunaanaday Wareeg Kubadeed oo ay Ku Tartamayeen Ciyaartoyga Degmadu
June 17, 2019 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(W.N): Maayar ku xigeenka degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa habeenkii xalay ahayd soo gunaanaday wareeg kubadeed oo ay ku tartamayeen kooxaha kubada cagta ee degmada Tog-Wajaale.

Tartankan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Maamulka Degmada Tog-Wajaale iyo ganacsatada magaaladu ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayay dhalinyarada Degmada Tog-Wajaale.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux Cismaan oo inta badan lagu yaqaan dardar galinta arimaha dhalinyarada iyo hawlaha samafalka ayaa xalay soo xidhay xafladii lagu gunaanadayay wareegii kubada cagta ee degmada Tog-Wajaale.islamarkaana waxuu halkaas koobkii ku gudoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay tartanka. Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta degada iyo ganacsato badan.

COMMENTS
LINKS