Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshadda Jsl Oo Lagu Eedeeyay Kala Qaybin Shaqaalaha Ah Iyo Shaqsiyaad Ay Isku Qoys Yihiin Oo Ay Xilal Ku Taxday+Lunsi Dhaqaale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshadda Jsl Oo Lagu Eedeeyay Kala Qaybin Shaqaalaha Ah Iyo Shaqsiyaad Ay Isku Qoys Yihiin Oo Ay Xilal Ku Taxday+Lunsi Dhaqaale!
June 17, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wasaaradda wasaarada  shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaandi ayaa mudadii ay xilka wasaarada haysay  lagu eedeeyay in ay ku kacday kala qaybin shaqaalaha wasaarada ah iyo maamul xumo baahsan taasi keentay in xata wasaarada ay keentay xubno kamid qoyskeeda oo ay xilal muhiim ah udhiibtay  waxaa soo foodsaarey maamul xumo ka timid xaga wasiirka Wasaaradda. Wasaaraddii dhammayd waxaay qarka u saaran tahay in albaabada loo xidho. Wasaaraddan oo u ah halbowle dalka ahna mid ka mida kuwa ugu muhiimsan hayadaha kalla duwan ee qaranku leeyahay ayaa waxaa mudo labba sanno ku dhaw taladeeda gacanta ku haysey wasiirka hadda jooga ee Wasiir Hinda. Bilowgii hore ee ay wasaarada  saas u timidba waxay billawdey nidaamka ay isticmaalaan dadka aan kartida  iyo kalsoonida ay wax ku maamulaan  ee “QEYBI OO XUKUN”  waxaanney kalla qeybisay dhammaan shaqaalaha oo ay reer reer u kalla jebisay shaqaalihii walaalaha ahaa ee isku duubnaa, wada shaqeynayey, isku xidhnaa, mideysnaa, hal ujeedana wada lahaa . Waxaanney geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii aay dhammaantood u kalla furfuri lahayd uguna kalla abtirin lahayd!. ( Waad soo baadhi kartaan dhammaan shaqaalaha wasaaraddana waad weyddiin kartaan waanan hubbaa in jawaabta ka heli doontaan ).

Waxaa aay judhiiba keensatay wiil aqalkeeda ku nool oo ay Edo u tahay oo ay ka dhigtay qasnajigii Wasaaradda isagga oo aan ku jirin Payroll-ka taasina ay tahayba dembi iyo xeer jebin badheedh ah  in qof aan ahayn shaqaale dawladdeed oo aanney soo ansixinin haayada shaqaalaha dawladdu kuna jirin systemka hayada in uu ka hawlgalo goob dawladdeed isla markaana gacanta loo geliyo dhammaan lacagtii ay ku shaqeynaysay wasaaraddu oo idil waana wax iska cad sababta loogu dhiibey ee meesha loo keensaday ! (waad soo weyddiin kartaan dhammaan shaqaalaha)

Waxaa wada shaqeyntii  ay la lahayeen Wasaaradda badankoodu hakiyey  qaarna si dadban ay hoos ugu dhigeen hayadihii ajaanibka ahaa iyo kuwii maxaliga ahaa ee la shaqeynayey Wasaaradda sababtuna ay tahay waxaay oggaadeen in lacag kasta oo aay ku taakuleeyaan Wasaaradda oo ay ugu talogalaan in baahi jirta wax lagaga qabto ay lunsato wasiirka wasaaraddu isla markaasna ayna halkii iyo sidii aay ugu talogaleen aan loo gaadhsiinin loona isticmaalin. (waa la soo weyddiin karaa shaqaalaha Wasaaradda)

Waxaa lacago joogto ah oo carruurta loogu talo galey bixiya haya’daha UNICEF, Save the Children, iyo Haya’daha Islaamiga ah badankooda. Haddaanan qaldanayn 4%  ma dhamma inta carruurta ka gaadha lacagahaasi waxaanna aay toos ugu dhacda jeebka wasiirka! , marka ay carruurtu wasaaradda timaado ee ay yidhaahdaan waxaannu rabnaa xuquuqdayadii waxaa lagu yidhaahdaa naga baxa waxba idinma haynee  marka aay yara kacaan ee aay bannaanka waasaaradda ka yara hor qayliyaana waad aragtay sida loo galo oo inta askar loo dalbado ayaa la garacaa dabadeedna gaadhi lagu guraa. Maxaaban idinka sheegi  dee saawdinka og carruurtii yaryarayd ee wasiirka wasaaraddu aay xidhxidhey ee aay maxkamada horgeysay  lana xukumay, kelliya wax kale kamaay dhallanin arrintaasi carruurtu waxaay yidhaahdeen waanu ognahay lacagaha la nagu qaato ee xaqayagii mee jawaabtiina waxaay noqotey waxaas aay Somalilland iyo bulshooyinka kalleba aay arkayeen ee anfariirka ah !! Subxaanallaah,  waxaa waxaba kaga sii daran waxaa carruurta loogu talogaley ee aay wasiirku labba gacmoodinayso, ee aay ruugayso  waxaa la siinayaa carruur kale oo ay dhalleen iyaggu ! Ka daaya yaa yidhaahda ololka aad carruurihiina la doonanaysaan aan waxba galabsan! garanmaayo waxaay ubbadkooda iyo ubbadka aay masuulka ka tahay saas u gu galleyso lakiin xisaab baa iman doonta.

Haya’da World Vision bil kasta waxay wasaaradda siisa raashin, dhar, Iwm meel allaale iyo meel aay marto allaabtaasi la garan maayo. Sidoo kalle wasiirka wasaaraddu waxay leedahay shirkad dhisme cid kasta oo wada shaqeyn la leh wasaaradda oo damacda in aay fuliso hawl dhisme waxay qasab kaga dhigtaa in la siiyo qandaraaska shirkadeeda ay gaarka u leedahay waxaanna caddeyn dhammaystiran innoogu filan dhismaha uu Kuwaydigu ka wado magaalada Burco. Waxaa xusid mudan in hayada Kuwaytigu ay beer weyn oo bustaan ah ay iyadda u sameeyeen oo ay tuuladda BEER ku taalo beertaasi. Waxaanna biyo kama dhibcaan ah oo la wada ogyahay in qaar ka mid ah shaqaalaha hayada kuwayt charity iyo iyaddu aay leeyihiin xidhiidh toos ah heshiisna ku yihiin musuqmaasuqa.

Waxaa ay wasiirka wasaaraddu dad gaar ah siisey diiwaangelinta shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa ajaanibka ah  iyadda oo shaqaalaha wasaaraddu awood u leeyihiin in ay sameeyaan nidaamkan diiwaangelinta sabab dad wasaaradda ka baxsan loo doontaana aanney jirin iyaddoo waliba xogtani tahay mid qaran oo u baahan xafidaadeeda habboon tahayna in gacan ka baxsan wasaaraddan u xilsaaran hawlahan mooyiye aan cid kalle gacanta loo gelinin. Dhacdaybee waxaa kaaga sii daran lama baahanin qandaraaskaas ee cid gaara oo ay wadato ayaa gacanta loo geliyay. (hawl-wadeenada wasaaradda gaar ahaan waaxyaha ay ahayd waajibkooda shaqo hawshani waa laga xaqiijin karaa )

Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshaddu si cad oo aan geedna loogu soo gaban waxay ku takri fashay lacagta loogu talogaley dadka Naafadda ah oo runtii ah dadka ugu nugul ee aay tahay in hoos loo eego markasta oo aay soo cawdaan ama wax noo qabta yidhaahdaana waxaay ugu jawaabtaa ha ii soo gelina, socda, waxba idinma hayo, Iwm ! caddeyn haddii aad iga rabtidna bal iyagga oo ka xun sida ay ulla dhaqmeyso Wasiirku fadlan waxaad ka maqli kartaa Video-ga hoos kaaga muuqda haddaladooda.

Agaasimaha, agaasime waaxeedyadda iyo guud ahaan shaqaalaha wasaaradda shaqogelinta iyo arrimaha bulshaddu waa dad runtii u diyaar ah shaqo oo karti, aqoon iyo daddaalba ku suntan rabbana in aay gutaan shaqadda aay u hayaan qaranka lakiin, waxaay ka shaqeyn kari laayihiin oo si allaale iyo qaab aay wax u wado fahmi laayihiin wasiirka wasaaradda. Dhabbanahays, fajac, iyo yaab ayaa shaaqaalihii ka soo hadhey waayo weligood hore umaay arag tan oo kalle

Runta, dulmiga, iyo xaq-darada ka adkeysan kari mayno waanna sababta aan idiinla wadaagey.

LA SOCO……………….

W/Q: Cumar Aadan Maxamuud

 

 

COMMENTS
LINKS