DEG-DEG: Booliska Somaliland oo La Wareegay Xarumaha Telefiishanno Madax-bannaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DEG-DEG: Booliska Somaliland oo La Wareegay Xarumaha Telefiishanno Madax-bannaan
June 18, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa la wareegay Xarumaha ay Telefiishannada Horyaal iyo Eryal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Maamulka labada Telefiishan ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Boolisku la wareegeen Xarumahooda Hargeysa Saaka.

DEG-DEG: Booliska Somaliland Oo La Wareegay Xarumaha Telefiishanno Madax-bannaan

Illaa hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee Xukuumaddu tallaabadan u qaaday.

Waa markii koowaad ee Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaaminayaa la wareegto Xarumaha Telefiishano Madax-bannaan, laakiin waxay sannadkan gudihiisa xayiraad ku soo rogtay Wargeyska Madax-bannaan ee Foore, halka Xukuumaddii horena dhowr Wargeys xayiraad saartay, sida Haatuf iyo kuwo kale.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS