Qareenno Itoobiyaan Ah oo Qorshaynaya In Ay Dacweeyaan Shirkadda Kaliya Ee Internetka Bixisa Ee Dawladdu Leedahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qareenno Itoobiyaan Ah oo Qorshaynaya In Ay Dacweeyaan Shirkadda Kaliya Ee Internetka Bixisa Ee Dawladdu Leedahay
June 18, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Koox qareenno Itoobiyaan ah ayaa qorshaynaya in ay dacweeyaan shirkadda kali ah ee internetka bixisa oo dawladdu leedahay oo khadkii jaratay maalintii siddeedaad.

Waxay ku doodeen in arrintani ay ka dhigantahay muwaadiniinta oo laga hor istaagayo xogta, sida uu sheegay qareen Yohannes Enyew.

Khad la’aanta ayaa billaabatay Salaasadii, waxayna saamaysay qaybo badan oo dalkaas ah.

Khadka ayaa Jimcihii u soo noqday magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, balse waxay u muuqataa in khadku uu ka maqan yahay Itoobiya inteeda badan.

Mararka qaar ayuu soo noqonayay toddobaadkii hore balse wakhti badan ma sii joogayn.

Fariimaha gaaban ayaa sidoo kale la joojiyay tan iyo Khamiistii.

Shirkadda isgaadhsiinta ee Ethio Telecom kama hadlin sababta khadka loo jaray, balse dadka ayaa isla dhex maray in looga hortago in imtixaanaadka qaranka la qisho.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS