Muranka Badda Ee Somalia iyo Kenya oo UN-Ka Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muranka Badda Ee Somalia iyo Kenya oo UN-Ka Gaadhay
June 18, 2019 - Written by Reporter:

New Yor (WJN) – Dawladda Kenya ayaa doonaysa inay soo faragaliyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay arinta dhinaca muranka xadka badda ee kala dhexeeya Somalia.

Waxaanu Xoghayaha Qaramada Midoobay, António Guterres uu u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha amaanka in khilaafkaasi uu xoog leeyahay isla markaana ay suurtagal tahay inuu khatar ku yeesho nabada iyo xasiloonida gobolka.

Muranka Badda Ee Somalia Iyo Kenya Oo UN-Ka Gaadhay

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha Dibada dalka Kenya oo ka hadashay arintaasi ayaa waxa ay tidhi “Laba todobaad ka hor, arinta (khilaafka xadka badda) waxa tilmaamay Xoghayaha guud oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u muujiyey suurtagalnimada khatarta ay ku keenayso nabada iyo amaanka gobolka,” ayay tidhi Monica Juma oo ah Wasiirka Arimaha dibada dalka Kenya.

Waxaana la tilmaamayaa hadii arinta Khilaafka Kenya iyo Somalia aan jidkiisa loo marin ay cawaaqib ku keeni doontaa qaarada oo dhan, isla markaana ay dhiirigalin u noqon karto in wadamada koonfurta ku yaala ay sidoo kale ka doodaan xuduudahooda ay wadaagaan.

Waxaanay Dawlada Kenya ay sheegaysaaba in arintani ay saamayn ku yeelan karto Xadka Kenya iyo Tanzania, Tanzaniya iyo Mozambique, Mozambique iyo Koonfur Afrika, hadaan sharciga sidiisa loo dabaqin.

Waxaanay Kenya ay ka cabsi qabtaa hadii ay kiiska dhulkaasi waydo, inay sidoo kale waayayso 26 boqolkiiba dhaqaalaha gobolka, kaas oo lagu qiyaaso ku dhawaad 51,105KM oo isku wareeg ah iyo 85 boqolkiiba ama 95,320KM oo isku wareeg ah, marka laga reebo 200 oo ka baxsan oo ah biyaha caalamiga ah ee ay maraakiibtu maraan.

Waxaanay tidhi Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya iyadoo si cad uga hadlaysa xudunta khilaafka labada dal “Kenya halka ay ka taagan tahay arintan adag ee abuurtay danaha diblomaasiyadeed iyo walaaca amaan way cadahay. Kenya waligeed kamay tanaasulin taako dhulkeeda ah. Kenya way garanaysaa xuduudihii taariikhiga ahaa, Somalia-na sidoo kale way garanaysa,” ayay tidhi Dr Juma, Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kenya.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS