Ardayda Saboolka Ah oo Ku Kaliyaystay Iskuulada Hoose Dhexe Ee Dawladda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ardayda Saboolka Ah oo Ku Kaliyaystay Iskuulada Hoose Dhexe Ee Dawladda
June 18, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Warbixin ay dhawaan soo saartay xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA ayaa lagu sheegay in waxbarashadu ganacsi noqotay oo sidaas daraadeedna ay ubad badan waxbarasho la’aan dhigtay.

”Waxan wareysannay 48 qoys iyo 20 iskuul oo isugu jira kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay,waxay noo sheegeen dhammaan in tayada iskuullada dawladu hoosayso, oo dad Sabool ah ama iska bixin waayay Fiiga iskuullada qaaliga ah ay dhigtaan, maamulka iskuulladu waxay noo sheegeen in xitaa, mas’uuliyinta dawlada iyo dadka lacagta haystaa ayna Ubadkoodu dhigan iskuullada Dawlada”

Sidaa waxa sheegay Ismaaciil Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Farjar kana tirsan cilmibaadhayaasha xaruunta daraasaddan samaysay.

laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii markii Somaliland ay shaacisay in aan lacag laga qaadi doonin Ardayda dhigata iskuullada hoose dhexe ee,waxa bilowday hoos u dhac ku yimid iskuullada dawlada, Ismaaciil Farjar isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay,

”Macaliminta wakhtigaas mushahar ku filan looma qoondayn, taasi waxay keentay in macallimiin badan oo tayo leh ay shaqada iskuullada dawlada tagaan oo aadan iskuullada gaarka loo leeyahay.”

Magaalada Hargeysa badi dadka awooda waxa ay ubadkooda geeyaan dugsigayada gaarka loo leeyahay oo qiimaha lacagta lagu dhigtaa ay aad uga badan tahay ka dugsiyada dawladda.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay dhaqaalaha soo gala qaar ka mid ah qoysaska Hargeysa deggan iyo kharashka ku baxa waxbarashada ubadkooda, taas oo ah laba aan is daboolayn, Ismaaciil Farjar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay,

”Celcelis ahaan Marka aanu wareysannay 48 qoys, dadka aanu la kulannay, waxaan waydiinay lacagta kaga baxda Fiiga iskuulada gaarka loo leeyahay, qoyska saddex carruur ah iskuulka u taga waxa kaga baxa celcelis ahaan 109 doolar,waxan ognahay Askariga, shaqaala hoosaadka dawlada iyo muruq -maalku in ay bishii soo gasho dakhli ka hooseeya 200 oo doolar, sidoo kale waxa aanu ogaanay boqolkiiba 20 dadkii aan wareysannay in ubadka waxbarashada gaadhay ay guriyaha u fadhiyaan waayo ma awodaan iney bixiyaan fiiga ardayda.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqay tartankii loo gali jiray 10 arday ee dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale waxbarshada la ganacsiyaynayo.

Daraasaddan ayaa looga digay in ay arrintani sababi karto kala sarreynta bulshada sida in ay bulshadu kala korto.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS