Paul Pogba oo sheegay in xilligan ay wanaagsan tahay inuu iska tago Manchester United | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Paul Pogba oo sheegay in xilligan ay wanaagsan tahay inuu iska tago Manchester United
June 18, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay in “in malaha la joogo wakhtigii uu meel kale tegi lahaa”.

Ciyaaryahankan ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa waxaa lala xidhiidhinayaa inuu lacag fara badan ugu wareegi doono kooxda weyn ee Real Madrid ama kooxdiisii hore ee Juventus oo haatan ah horyaalka Seria A-da Talyaaniga.

Related image

Sikastaba xaalku ha ahaadee 26-jirkan khadka dhexe ka ciyaara oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsaneyd Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2018/2019 ayaa qandaraaska oo kooxdiisa kula jiro waxa uu dhacayaa July 2021.

“Waxaan ka fikirayaa inaan bal meel kale ka ciyaaro,” Pogba ayaa yidhi.

“Saddex sanadood ayaan joogay Manchester United si wanaagsan ayaanan u ciyaaray, waxaana isoo maray xilliyo wanaagsan iyo kuwa aan wanaagsanayba taasna dadka ayaan ula sinnaa, meelwalbana waa ay ka dhacdaa.

“Markii uu dhammaaday xilli ciyaareedkii hore iyo wax walba ee dhacay xagaagan aniga waxa ay ii aheyd midkii ugu wanaagsanaa. Waxaan filayaa inay ii wanaagsan tahay inaan meel kale ka ciyaaro.”

Walow uu sidaas u hadlay ciyaaryahankan ay Manchester United ku soo iibsatay lacagtii ugu badneyd ayaa waxa ay kooxdu rumaysan tahay in Pogba uu weli ka sii ciyaari doono garoonka Old Trafrord xilli ciyaareedka dambe.

COMMENTS
LINKS