Sixiroole u dhintay dhoolatus uu sixirkiisa ku soo bandhigayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sixiroole u dhintay dhoolatus uu sixirkiisa ku soo bandhigayay
June 18, 2019 - Written by Reporter:

Nin sixiroole ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa dhintay kadib markii uu ku haftay webi xilli uu dadweyne u samaynayay dhoola tus sixirkiisa ku saabsan.

Chanchal Lahiri ayaa lagu dhaadhiciyay webi, isaga oo ku xidhan silsilado si uu dib ugu jilo indho-sar-caad uu horey u sameeyay nin kale oo faalaloow ah.

Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in Lahiri uu ka baxsado silsiladda oo ay 6 quful ku xidhnaayeen, kadibna ka badbaado biyaha.

Balse markii muddo la waayay ayay dadkii daawanayay booliiska wargaliyeen, maydkiisana waxaa laga heley masaafo hal kiilo mitir jirta.

Sixirlow

Jayanta Shaw oo ah sawir qaade ka tirsan wargeys maxali ah ayaa daawanayay markii ay arrintan dhacaysay, wuxuuna sheegay in uu la hadlay Mr Lahiri, weeydiiyayna sababta uu naftiisa halista u galinayo, wuxuuna ku jawaabay “Haddii aan ku guuleysto waa sixir, haddii aan ku guuldaraystana waa musiibo”.

20 sanno ka hor ayuu sidan oo kale biyaha galay xilli uu ku dhex jiray sanduuq quraafad ka samaysan, balse waa uu ka badbaaday biyaha.

Wakaaladda Wararka ee Press Trust of India, Mr Lahiri ayaa ogolaansho weeydiistay booliiska magaalada Kolkata iyo waliba maamulka dekeda magaalada.

Balse booliiska ayaa sheegay in aanu ka dhaadhicin sida uu hawsha u qabanayo.

COMMENTS
LINKS