“Sangub Wuxuu Ahaa Hal Abuur, Rabbi Hibo U Siiyey Curinta Iyo Falkinta Heesaha,Gabayada Iyo Majaajilooyinka”Jamal Cali Xuseen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sangub Wuxuu Ahaa Hal Abuur, Rabbi Hibo U Siiyey Curinta Iyo Falkinta Heesaha,Gabayada Iyo Majaajilooyinka”Jamal Cali Xuseen.
June 18, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen ayaa ka hadlay geerida Abwaan Sangub iyo sidoo kale Abwaan Saxardiid Jabiye oo isna maalmo ka hor ku geeriyooday magaalada hargaysa.

Aqoonyahan Jamaal ayaa ka sheekeeyay aqoonta uu u lahaa Marxuum Abwaan Sangub iyo suugaanta uu curiyay

Aqoonyahan Jamaal ayaa qoraal uu kaga hadlayo geerida abwaan sangub ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada e facebook taasi uu udhignayd sidan;

 

“Waxaa wiig gudahiisa ummadda afka Soomaaliga ku hadasha ka baxay laba sugaanyahan oo waaweyn. Labaddaa Abwaan ee waaweyn Ee qaaliga ah Oo kala ah Abwaan Jebiye iyo Abwaan Singub Oo isagana maanta la soo sheegay Ilaahay ha u naxariisto labadoodaba. Abwaan Singub waxaan wakhti badan wada qaadanay xilli uu arooskayga kaga soo qayb galay magaaladda Boston 1997 kii isagoo markaasi nooga yimid Minessota. Kolka laga tago suugaantiisa wuxuu ahaa qof shakhsiyad wanaagsan leh Oo bashaasha. Wuxuu ii sheegay inuu abtigii Afloo uu ahaa Abwaan weyn Oo uu xataa Abwaan Timacadde ku halqabsan jiray kolkuu Timacadde ku gabyaayey ” Mudanoow Afloo iyo sidii Muxumed maw yeedhshay.” Wuxuu ii sheegay inuu qoys suugaanyahaniin ah labadda dhinacba inuu ka soo jeedo. Dadka suugaanleyda ah waxaan ka maqlaa inuu Abwaan Singub ahaa ninka Ugu ruwaayadaha badan kolka Abwaaniintii hobaladda waaberi la sheegayo. Anigoo yar baan galay ruwaayadhiisii caan baxay sida Xoriyyo iyo Qabrigii Jacaylka. Qofka barta Maxamed Cabdillahi Singub kama xiiso goynayo. Wuxuu ahaa Hal Abuur, Rabbi hibo u siiyey curinta iyo falkinta heesaha, gabayada iyo majaajilooyinka.

Af yaqaan, ku xeeldheer oo hodan ku ah Afkiisa, dhaqankiisa iyo dhamaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka. Suugaantiisa iyo Ruwaayadahiisu waxay lahaayeen muc iyo dareen gaar ah. Siduu wareysigiisa ku sheegay waxa imtixaanka ka qaaday Oo u suurtogeliyey inuu ku biiro hoboladda waaberi Cismaan Askari iyo Cali Sugule Oo ahaa laba Abwaan Oo waaweyn Oo kale. Ilaahay haw naxariistee. Weli waxaanan ilaawi Karin qadarintiisa, shakhsiyadiisa, iyo wanaagiisa. Wuu inaga muteystay shakhsigaasi iyo dadkii kale ee qiimaha lahaa ee inaga baxayba inaynu u duceyno.

Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Maxamuud Cabdillahi Ciise Sangub.

AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN

COMMENTS
LINKS