Madaxweynaha Jsl Oo Afhayeenka Madaxtooyada Ka Tacsiyadeeday Geerida Ku Timid Aabihii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Afhayeenka Madaxtooyada Ka Tacsiyadeeday Geerida Ku Timid Aabihii.
June 20, 2019 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Warsame Jaamac Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 20/06/2019, gobolka Sanaag gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ceerigaabo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo uu aabbihii ahaa marxuumku.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, Aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxtooyada JSL

 

COMMENTS
LINKS