Wararkii u danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda iyo Waxyaabihii ay ka qoreen Wargaysyada Yurub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii u danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda iyo Waxyaabihii ay ka qoreen Wargaysyada Yurub
June 21, 2019 - Written by Reporter:

Real Madrid ayaa gashay tartanka loogu jiro saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Ajax Matthijs de Ligt xagaagan, laakiin waxay doonayaan in loo kala cadeeyo xaalkiisa, iyadoo xiddigaan lala xidhiidhinayo Barcelona, Juventus, PSG iyo Man United. (Daily Star)

Liverpool ayaa lagula taliyay inay u dhaqaaqdo saxeexa kubad sameeyaha kooxda Tottenhak Christian Eriksen kaasoo sidoo kale lala xidhiidhiyay xagaagan kooxda Real Madrid. (Daily Star)

Suuqa kala iibsiga

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa digniin u soo saaray Jesse Lingard ka dib muuqaal anshax xumo ah uu soo dhigay Snapchat taasoo halis gelisay in laga ceydhiyo kooxda. (Daily Mail)

Ku laabashada Neymar ee Barcelona ayaan weli u muuqan mid suurtogal ah inkastoo uu ciyaaryahanka si weyn u doonayo inuu mar kale ka garab ciyaaro Lionel Messi iyo Luis Suarez. (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay inuu lacag kharashgareyn doono suuqa kala iibsiga ee xagaagan. (Daily Mail)

Xiddiga kooxda Real Madrid Martin Odegaard ayaa lagu arkay Jarmalka iyadoo lala xidhiidhinayo inuu heshiis joogta ah ugu biiro Bayer Leverkusen. (The Sun)

Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa weli raadinaya inuu ku soo laabto Barcelona, ma doonayo inuu mar kale u ciyaaro Paris Saint-Germain. (Sport)

Real Madrid ayaa dalab ka gudbisay Neymar iyagoo u soo bandhigay PSG 130 milyan euro iyo midkood Gareth Bale iyo James Rodriguez. (Mundo Deportivo)

Atletico Madrid ayaa ku dhow inay dhameystirto saxeexa weeraryahanka Benifca Joao Felix oo qiimihiisa uu gaadhayo 120 milyan euro taasoo la micno ah in Man United ay seegi doonto saxeexa 19 jirka reer Portugal. (Evening Standard)

Dadaaladii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku doonayay inuu dib ugu dhiso kooxdiisa ayaa hakad uu ku yimid sababtoo ah Manchester United ayaa kooxaha ka cadheysiineysa dalabyo hooseeya oo ay ka gudbineyso xiddigaha diirada u saaran. (Evening Standard)

Solskjaer ayaa doonaya in Man United ay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba oo 26 sanno jir ah ka dib markii loo sheegay inuu heysto 100 milyan ginni uu kharashgareeyo xagaagan. (Daily Star)

Manchester City ayaa ku dhow inay ku garaacdo Man United saxeexa daafaca Leicester City Harry Maguire oo ay ku iibsanayaa 65 milyan ginni, waxaana la filayaa in goor dhow uu tijaabada caafimaadka uu maro 26 jirkan Ingariiska ah. (Daily Star)

Xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Rodri ayaa doortay inuu ku biiro Man City bedelkii uu ku biiri lahaa Bayern Munich iyadoo 22 jirkaan uu City ugu wareegayo 62 milyan ginni. (Kicker).

 

COMMENTS
LINKS