Shan Ciyaartoy oo Man United doonayso in ay heshiis la soo saxeexato | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Ciyaartoy oo Man United doonayso in ay heshiis la soo saxeexato
June 29, 2019 - Written by Reporter:

Manchester United ayaa ugu danbayn maanta si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa difaacii midig ee kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo ay 50 milyan gini kula soo wareegeen isla markaana ay Eagles boqolkiiba 10% ku yeelan doonaan iibkiisa mustaqbalka.

Maamulka Man United waxa uu Aaron Wan-Bissaka u ahaa ahmiyada kowaad waxayna hore go’aan ugu gaadheen in ay marka hore isaga heshiiskiisa dhamaystiraan inta ayna u dhaqaaqin saxeexyada kale ee ay suuqa ka doonayaan.

Related image

Haddaba iyada oo Man United meel ku hubsatay adeega 21 sano jirka reer England ee Aaron Wan-Bissaka, waxay hadda maamulka Ed Woodward isha ku hayaan ilaa shan ciyaartoy oo kale oo ay isku dayi doonaan in ay la soo saxeexdaan.

Wargayska Telegraph ayaa shaaciyay liiska shanta ciyaartoy ee ay hadda maamulka United ku foogan yihiin in ay la soo saxeexdaan kuwaas oo ay suurtogal tahay in ay qaar ka mid ah soo iibsan karaan.

Sida xogtan lagu sheegay, Man United waxay hadda dareenkeeda si buuxda ugu soo jeedin doontaa Harry Maguire ama Sean Longstaff si ay koxdeeda ugu soo xoojiso.

Man United ayaan wali ka quusan in ay Manchester City kula tartanto saxeexa difaaca Leicester City ee Harry Maguire  kaas oo 80 milyan gini lagu qiimaynayo oo ay tartankiisa City ku horayso.

Man United ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa xidiga Newcastle United ee Sean Longstaff kaas oo loo arko badalka wakhtiga dheer ee Michael Carrick oo hadda shaqaalaha tababarka ka mid ah oo aan booskiisii wali la buuxin.

Man United waxay sidoo kale ku jirtaa wada xaajoodka kooxda Sporting Lisbon ee xidiga Bruno Fernandes kaas oo hore loola xidhiidhinayay Liverpool, Man City iyo Tottenham basle ay hadda United kali ku noqon karto.

Labada xidig ee kale ee ay United suuqa ka doonayso ayaa kala ah Declan Rice iyo Jadon Sancho oo ka tirsan kooxaha West Ham iyo Borussia Dortmund sida ay u kala horeeyaan.

Inkasta oo Jadon Sancho uu bartilmaameedka kowaad xagaagan u ahaa United, haddana waxaa xiisahooda hoos u dhigtay kooxda Dortmund oo 100 milyan dul dhigtay da’yarkan reer England.

Man United ayaa sidoo kale West Ham ka doonaysa xidiga khadka dhexe ee Declan Rice iyada oo United hore ugu fashilantay isku daygii ay West Ham kaga doonaysay saxeexa difaaca dhexe ee Issa Diop kaas oo ayna isna wali ka quusan.

COMMENTS
LINKS