Warbaahinta Dunida oo ku foogan Shimbir dhasheeda Sigaar siisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahinta Dunida oo ku foogan Shimbir dhasheeda Sigaar siisay
July 1, 2019 - Written by Reporter:

Shibirtan ayaa dhasheeda siisay ama ku quudisay haashka sigaar, waxaanay dhacdadani kor u qaaday walaaca dhinaca deegaanka iyo mawjado cadho ah oo ku wajahan dadka sigaarka meel kasta iskaga caba ee haashkana kaga taga.

Shimbirtan oo ah nooc u eeg shimbirta Xuurta ay Soomaalidu u taqaano ayaa lagu sawiray xeebta Florida ee dalka Maraykanka iyadoo Haashka Sigaarka afka u galinaysa dhasheeda yar.

Warbaahinta Dunida Oo Ku Foogan Shimbir Dhasheeda Sigaar Siisay

Karen Mason, ayaa iyadu qaaday sawirkan, taas oo codsi iyo sawirka online-ka soo galisay: “Hadii aad qiijiso, fadlan ha ka tagin Haashka sigaarka.”

Waxaanay intaasi ku dartay: “Waa wakhtigii aynu nadiifin lahayn xeebteena oo aynu ka hortagi lahayn kuwa sidan oo kale haashka sigaarka  uga tagaya.. #nobuttsforbabies.”

Wixii intaa ka dambeeyeyna dadka aragtiyaha ka soo dhiibanaya fariinteedaasi ayaa sheegaya “in arintani ay tahay qalbi jab iyo wax laga naxo”.

Mid kale oo magaciisa ku sheegay Josee Noel ayaa soo qoray “Ma doonayaan Haashkooda! Waxa la joogaa wakhtigii laga mamnuuci lahaa, meelkasta!

Gabadhii wasirka qaaday ee Ms Mason, ayaa dhinaca online-ka looga yaqaanaa (Karen Catbird, shimbirtii dhasha ahayd, waxaanay warbaahinta aduunka ay ka codsatay in ay sii qaadaa dhigaan sawirkeeda shimbirta haashka sigaarka siinaysa dhasheeda, “si ay gacan uga gaysato dadka doonaya inay haashka sigaarka ka tagaan,” ayay tidhi.

COMMENTS
LINKS