Ijiid aan ku jiido, Waa gacmo daalis, W/Q: Mohamed Gacayte | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ijiid aan ku jiido, Waa gacmo daalis, W/Q: Mohamed Gacayte
July 2, 2019 - Written by Reporter:

Dooda ah tirada xubnaha Komishanka hanaloo kordhiyo iyo sidooda haloo daayo doorashadan wixii ka danbeeya haloo kordhiyo 2 xubnood mucaaridka in laga heshiin kari waayo oo wadahadalkii Saddexda Xisbi natiijo la,aan kusoo dhamaadan waa nasiib daro wayn. Somaliland danteedu waa doorasho, Axsaabta waxanu leenahay dhulka dhiga arinta oo yaan laysku muuq muuqane caqligu ha shaqeeyo oo ku jiqsiida aynu ka korno.

“Galool mudhay oo farcamay

Nudaha goonyaha u fiday

Haday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yiin”

Maansadii Gurmad, Abw. Gaariye IHN

Mar hadii Doorashada Komishan cusubi qabanayo, maaha in caqabad kale lasoo dhigo marka mid laga gudbaba. Umadu waxay eegaysaa 3da Xisbi, hadaanay waxba ku heshiin karayn dusheena ku ciyaari maayaan. Dalka haloo tudho oo danta guud hala horaysiiyo. Diiwaangalintii hala bilaabo oo diyaargarowgii iyo hawshii doorashada haloo guntado.

 

Alle muwaafaqada haynoo adkeeyo.

Qalinkii: Mohamed Adan Gacayte

COMMENTS
LINKS