Shirkadda Facebook oo sheegtay inay hagaajisay ciladii ku timid adeegyadeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Facebook oo sheegtay inay hagaajisay ciladii ku timid adeegyadeeda
July 4, 2019 - Written by Reporter:

Shirkadda Facebook waxay sheegtay inay hagaajisay cilad degdeg ah oo ku timid adeegyadeeda taas oo saameysay dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Guud ahaan dad badan oo adeegsada Facebook iyo baraha bulshada kale ayaa soo dejisan waayay sawirrada iyo muuqaallada.

Facebook

Ciladda waxay saameysay Facebook, Messenger, Instagram iyo WhatsApp-ka.

“Ciladda waa la xalliyay boqolkiiba iyo boqol, dadka hadda si caadi ah ayay u isticmaalayaan” ayay shirkadda ku shaacisay barta Twitter-ka.

Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in ciladdu ay aheyd mid aan si ula kac aheyn oo ka dhalatay dayactir lagu sameynayay adeegyada ay bixiso balse wax faahfaahin oo intaas dhaafsiisan kama ayna bixin.

Dadka isticmaala Facebook waxay gaadhayaan in ka badan 2.3 bilyan oo qof halka Instagram-ka ay adeegsadaan 1 bilyan oo qof guud ahaan dunida.

Dadka waxaa ku adkaatay inay soo dejistaan sawirrada iyo muuqallada ay doonayeen balse shirkadda ayaa usoo bandhigtay sawir muujin karaa inay khaladaad dhaceen.

Facebook image analysis

Shirkadda kale uu loolanka kala dhexeeyo Facebook ee Twitter ayaa waxaa ku habasatay cilad ah in dadka isticmaala Twitterka ay isku diri waayeen farriinta.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay farrimihii wargelinta ahaa ay heli jireen dadka adeegsada Twitter-ka.

Shirkadda waxay raalli gelin ka bixisay ciladda saameysay macaamisheeda “Boqolkiiba boqol waxaan xallinay ciladda, waxaa jiray khaladaad saameyay dadka qaar balse qeybta farrimaha hadda si wanaagsan ayay u shaqeynayaan, waxaan idiin kaaga mahadcelineynaa dulqaadka”

Bishii March, Facebook iyo Instagram , waxaa ku habsaday cilad muddo dheer dhibaato ku reebtay adeegyadooda, sidoo kale WhatsApp ayaa waxaa saameysay cilad noocan ah bishii April.

COMMENTS
LINKS