Somaliland Cadaw farmaajo Ka Darani Muu Soo Marin, Laakiin Waxaynu Ogeyn In Siyaad Barre Oo ka Cudud Badnaa Waxba Ka Qaadi Waayey Umaddan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Cadaw farmaajo Ka Darani Muu Soo Marin, Laakiin Waxaynu Ogeyn In Siyaad Barre Oo ka Cudud Badnaa Waxba Ka Qaadi Waayey Umaddan!
July 4, 2019 - Written by Editor:

Markii uu burburay dalkii Somalia , ee ay Somaliland dawladnimadeeda dib ula soo noqotay 18 May 1991 , Somalia waxa marwalba ka jiray maamulo magac ahaan u jira laakiin aan xaqiiqo ahaan u jirin oo kala dambeeyay.

Haddaba maamuladaa magaca Somalia sitay oo ka soo bilaabmay Cali Mahdi ilaa Farmaajo wali cid la mid ah kan hada Somalia jooga ee magac u yaalka ah ka xun oo ka xaasidsan lama arag , waxa uu raacayaa wadadii adeerkii Siad Barre uu umadii soomaaliyeed ku baabiiyey ee nacaybka ahayd.

Ilaa maalintii uu kursigaa fuulay waxa uu Farmaajo ka shaqeynayey hadimeynta Somaliland , waxa uu yidhi Somaliland lama maalgashan karo , Somaliland aduunku kaalmo ma siin karo , Somaliland aduunku lama xidhiidhi karo , iyo hadalo badan oo kale iyo ficilo Somaliland loogu talogalay in lagu wax yeeleeyo oo kale .

Waxa ay na xasuusinaysaa duqeymihii magaalooyinka Burco iyo Hargeisa iyo guud ahaan Somaliland dumarka iyo caruurta iyo maatida loogu gaystay ee lagu dilay boqolaal kun oo qof oo shicib ah .

Ma filayo in dadka reer Somalia ku taageersan yihiin rabitaanka Farmaajo ee ah in Somaliland la go’doomiyo aan aduunyadu la xidhiidhin aan mucaawimo la siin , arinkaasi oo xasuuqyadii iyo xumihii adeerkii umadan reer somaliland u gaystay dib noo xasuusinaysa oo aanu dareensanahay dagaalada uu Somaliland ku wado ee noocyada badan.

Waa shaqsi aan afkiisa iyo uurkiisu wada socon oo maalinwalba afka ka yidhaahda walaaladay Somaliland iyo ficiladiisa gudo iyo dibadba uu wado ee uu is leeyahay Somaliland wax ku yeel , Somaliland Alle waxaa waxba ku yeeli maayo adeerkaa Maxamed Siyaad ayaa umadan jariimadii uu ka galay la ogaa oo aan waxba ula hadhin laakiin halkii uu ku dambeeyay waa la ogaa .

Somaliland dadkeedu waa dad dulqaad , saamax, daacadnimo iyo diin Alle ku manaystay cidii is tidhaahda wax yeelna iyada uun baa wax is yeesha , markaa shacabka reer Somalia ee dawlad la’aanta iyo amaan daradu daashatay yaanay aqbalin in dulmi magacooga lagu galo hana ka dhiidhiyaan ficilada Farmaajo ee daba socda kuwii Maxamed Siad Barre ee aan cidna ka qarsoonayn.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

 

COMMENTS
LINKS