Abaarso School Ma Wax Loo Dhiga Jira? W/Q; Cabdiraxmaan Cadami | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaarso School Ma Wax Loo Dhiga Jira? W/Q; Cabdiraxmaan Cadami
July 6, 2019 - Written by Editor:

Waxa soo dhaw sanad guuradii 10-aad ee Abaarso School oo ku beegan 10-ka bishan Julay School-ka waxa aasaasay dad samafaleyaal Maraykan ah oo uu hormood ka ahaa Jonathan Starr oo dadaal badan galiyay, duruufo adagna kala soo dabaashay hirgelinta School-ka.

Todobadii sannadood ee ugu horeeyay isaga ayaa gacanta ku hayay toosna u maamulayay oo wakhtigiisa oo dhan u huray laakiin, markii school-ku taabbo galay ee uu hubsaday wuxuu si dadban uga maamula magaalada New York oo fadhigiisu yahay, sanadkiiba 3-4 jeer ayuu kormeer iyo qiimayn ugu yimaadda.

Imaatinka dalka iyo dhismaha School-ka waxa ku dhiiri geliyay, gacanna ku siiyay muwaadiniin Maraykan ah oo Somaliland ka soo jeeda iyo dadweynaha tuulada Abaarso oo soo dhaweeyay.

Waxbarashada tayadeedu sarayso ka sakow ardayga waxa laga raba in uu noqdo arday dhammaystiran oo dhinac walba ka dhisan (squire student), waxa lagu barbaariya in uu ahaado qof jira oo isku kalsoon, jidh ahaan dhisan, akhlaaq wacan, dhaqan wanaagsan, Diinta ku fiican oo aammin ah, wakhtigiisa firaaqadana bulshada u adeega.

Si kastaba ha ahaatee Abaarso School waxa lagu tilmaami kara johorad ka dhex ifaysa Somaliland.

Lixdii sannadood ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho ka helay 130 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxa loo ogolaaday in ay galaan jaamacadaha ugu magaca weyn uguna qaalisan Maraykanka ( The most prestigious universities) oo arday badan oo Maraykanka u dhalatay aanay gali Karin ama aanay kharashkooda bixin Karin, markaa bal qiimeeya arday kasta lacagta ku bixi karta sanadkii.

Ardayda Somaliland ee waxbarashada u taga Masar, Sudan, Saudi Arabia, Pakistan, Turkey, Malesia ama India waxa lagu khasba in ay soo qaataan basaboorka Soomaaliya laakiin, ardayda Abaarso School waxay ku safraan oo ay Maraykanka ku galaan basaboorka JSL.

Haddaba Muwaadin Abaarso School ma wax loo dhigo ayaa jira. Ardaydu marka ay Maraykan u dhoofayaan arday waliba wuxuu sii qaata calanka JSL oo weyn, waxay ku soo bandhigaan ama ka taaggan hoolka Jaamacadda marka xafladaha ama doodaha lagu qabanayo, waxaanay si aftahannimo ah khudbado ugu jeediyaan kumanaan kun oo qof iyaga oo u sharraxaya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guulaha Abaarso School iyo waxa uu ugu fadhiyo Somaliland.

Ardayda Abaarso School waxa xiiseeya oo waraysiyo iyo barmaamijyo ka qabta TV-yada ugu caansan Maraykanka sida: CNN, CBS, ABC iyo qaar kale. Sidaas daraadeed ardayda Abaarso School ee Maraykanka jooga waxay isu xilqaameen in ay dhankooda ka qayb qaataan ololaha loogu jiro citiraaf raadinta JSL, waxaanan u malaynaya waa sabab ka mid ah waxaanay dadka qaar u jeclayn Abaarso School.

Ardayda wacdaraha ka dhigay jaamacadaha ee soo jiitay indhaha bulshada Maraykanka waxa ka mid ah Deeqa Aadan, Nimco Ismaaciil, Mubaarik, Nadiira Yuusuf iyo qaar kale oo badan.

Haddaba Abaarso School ma wax loo dhiga jira

La Soco Qaybta Dambe

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

COMMENTS
LINKS