WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Dilkiisa Iyo fankiisa: M.Mooge. (A.H.N)W/Q; Cabdikariin-Xikmaawi.
July 6, 2019 - Written by Editor:

“Buurta shiisha dhaggaxa leh

Kayn shareeran waheshaday”

Halka uu ku aasanyahay oo ah ‘Awaare’ waa dhul buuro yaryar oo madmadaw leh. Waa dhul ka ciid iyo dhagaxba duwan meelo badan oo hawdkaa sare–ee la deegaanka ah. Shiisha heesta ku jirta; oo ah dhagaxaan madmadaw, oo aad mooddid in la dubay/dab lagu shidday, ayaa goobtan Alle ku mannaystay.

Kolkii aan dul istaagay xabaashiisii, Alle haw naxariisto isaga iyo muslimiinta la aasnayd oo dhanba e, intii aannan xusuusan in aan faataxada u akhriyo, waxa sida dhibica maskaxdayda ugu soo hooray meerisyadan sare. Waxa hal mar maankayga ka dhex sanqadhay kamankiisii aad mooddaysay in wax la cod ahiba aannu jirin. Waxa aan niyadda ka qaadday codkiisii, oo aad mooddaysid in canjalad laabta ku kaydsan laga istaadhay… Alle ha u naxariisto e, intaas ka dib ayaan faataxada u maray, isaga iyo maytidii kalaba.

Kayntii shareerka ahayd, iyo shiishii uu sheegaayay ayaa u wehel ah ilaa maanta!!!

Intii aannan goobta ka dhaqaaqinba, waxa aan xusuustay sidii loo dilay, iyo qaabkii shirqoolka ahaa ee jid-gooyada loogu sameeyay. Kolkaasaa hal mar waxa iga dhex sanqadh-dhay heeskiisii ‘Wacdaraha Adduunka’!! Gaar ahaanna kolka uu leeyahay:

“Maxaa dabin lay wareejay

Wedkayga la ii shirqoollay”!

Yaab iyo amakaag weynnaa!! 1973-kii ayuu heeskan Maxamed Mooge qaaday. Midhaheedana waxa allifay maan-maal ka weyn ee cajabta qaba; waa Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Naaxiyadda yaabka qabtana waxa ku ladhay, C/kariin Faarax Qaaray (Jiir) oo ah mulaxan dhaygag badan laftiisu.

Haddaba, waxa aad iiga yaabbisay midhaha iyo fanka wakhtigaas ahaa, sababta 11-sano ka dib uu ugala kulmay Maxamed Mooge shirqoolkii uu ku geeriyooday!! Wax walba Alle ayaa ku shuqul lehe, haddana markan oo kale ayaad wax ka rumaysannaysaa midhaha tafaafulka ah in ay wax ka jiraan.

Haddii aynnu yar milicsanno sidii uu Maxamed u geeriyooday, innaka oo qoraalkeenna nasasho iyo faham uga dhiggayna; bal hadda ila yar dhugta iyana.

[……”Waxaan qoraalkan kooban idinkula wadaagayaa sidii Abwaan, Fannaan, Macalin, Mullaxan, Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan u dhintay, annaka oo waqtigaas isku qol seexan jirey. Anigu waxaan ahaa waqtigaas sarkaalka ugu sarreeya kaydka iyo logistics xerada Aware, ee xerada taliska iyo ciidanka tabarka Awaare.

Bilihii April iyo May waxaa Awaare ka dhacay shirkii guud ee SNM, waqtigaas oo Maxamed Mooge ahaa madaxii Warfaafinta iyo idaacaddii Halgan ee SNM. Maxamed waxa uu halkaas u yimid shaqadii shirarka SNM. Waxaa Maxamed la socday Maxamed B. X. Xasan.

Markii shirarkii dhammaadeen, Maxamed Mooge oo ahaa qof aad u bashaasha wuxuu go’aansaday in uu Awaare ku hakado, isaga oo nagala qayb qaatay barnaamijyo siyaasi iyo wacyigelin ah oo loo samayn jirey Ciidamaddii SNM; si garaadkooda ku aaddan halganka yoolka dhaw iyo yoolka dheer ee laga leeyahay loogu saafo, loona fahansiiyo in ay u dagaallamayaan dadweynaha Soomaaliyeed, ee markaas keligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii tababarradaa bixin jirey, waayo waxaan ka soo baxay tababarkii Xerada Baabuli oo si guud aannu ugu jirey 6 bilood, hadana 6 bilood oo kale annaga oo ilaa 50 nin ah nalagu siiyey tababarka gaarka ah ee komoondawska. Waxaa kale oo aannu tabarbar kale ku soo qaadannay iskuulkii ciidammada saraakiisha siyaasadda ee ku yiilley Hamarayso.

Habeenkii 4 June 1984 waqti fiid ah, waxaannu ka labisanay qol ka mid ah bakhaarradii kaydka oo aannu seexan jirney aniga, Maxamed Mooge, iyo Sarkaal la odhan jirey Xasan Dheere oo ahaa oday da’weyn. Habeenkii ilaa 10kii habeennimo ayaannu ku gaadhnay in aannu ku soo cawaynno magaalada. Markii aannu damacnay in aannu xeradii dib ugu soo laabanno, waxaa ku dhegay Maxamed Mooge dhalinyaradii reer Awaare, in uu la sii joogo oo ay ka faa’iidaystaan aqoontiisii balaadhnayd ee fannaannimo iyo waayo-aragnimo awgeed. Maxamed Mooge Allah ha u Naxariisto e wuxuu ahaa qof dadku isugu mid yahay, oo aannay dadku u kala soocnayn.

Xilli dambe oo ku dhaw abaarro afartii habeennimo ayuu Maxamed Mooge noogu yimid aniga iyo Sarkaal Xasan Dheere halkii aannu hurudnay, eennu wada degannayn. Waannu iska sheekaysannay oo sidii ayaa salaaddii subax lagu tukaday, oo quraacdii iyo shaahii xerada ku soo qaadannay.

Waqtiyadaa Maxamed Mooge iyo aqoon yahan badan oo ka mid ahaa Hogaankii SNM, waxay aad uga werwersannayeen in ay qaar ka mid ah saraakiisha SNM u xagliyeen nidaam ku dhisnaa khalaawo iyo foox in la shiddo, oo awliyada xidhiidh dhaw lala yeesho; taas oo ay u arkayeen in asbaabaha militeri ee loo baahan yahay ay arrintaasi khatar gelin karto. Waxay ka cabsi qabeen in marar badan la diro ciidan sakhiran oo aan xagga tabaabushaha militeri u dhamayn, kaas oo khasaare soo gaadhi karo.

Iyada oo taasi jirto, ayaa subaxaas annaga oo halkii shaaha ku cabbayna waxaa isla kaaya soo taagay nin la odhan jirey Xasan Tarabi, oo markaas abaan-duulle ka ahaa ciidankii degennaa Xerda Gubadaalaco; oo ahaa aaga dhexe ee ku aadan Burco. Iyada oo xaalku sidaas yahay, ayaa isla markaa waxaa soo dhacay war sheegayaa ‘In habeenkaas 4/6/1984 uu Taliyihii Ciidanka SNM ee Ibrahim Koodbuur, oo fadhigiisu ahaa Kaam Abokor uu siiyey baabuurkiisii iyo ilaaladiisi khaaska ahayd nin la odhan jirey Ina Askar, oo ahaa sarkaal ka mid ahaa SNM, isla markaana ahaa ragga aad u khalaaweeya oo rag badanna u ahaa Sheekh!!. (Ninkaasi maaha Kornayl Cabdillahi Askar) Baabuurkii taliyaha, ilaaladiisii iyo Wadaadkii Ina Askar oo ku socday habeenkaas Ramaso, waxaa Jabhad ka tirsan taliskii Ciidanka Siyaad Barre ka hesha

meel la yidhaahdo Celiyo, waxay laayeen ciidankii ilaalada ahaa iyo sarkaalkii inna Askar, baabuurkiina waxaa la geeyey Hargaysa.

Maxamed Mooge Alle haw naxariisto e, isaga oo arrintaas ka xanaaqsan ayuu ku yidhi Xassan Tarabi oo ka mid ahaa ragga khalaaweeya, wadaadka la dileyna xertiisa gaarka ah ka mid ah: “Xassan Tarabiyow xiligaas aadka u xun, oo qof wax ka yaqaanna ciidammada iyo amnigooda aannay suurtogal ahayn, maxaa haddii ina Askar yahay awliyo wax la tuso uu ciidanka faqashta ee Celiya ku gabannaya uu u sii arki waayey; oo awliyadu ugu sii sheegi weydey?!!”. Xassan Tarabi inta uu cadhooday ayuu baastoolad la baxay, oo Maxamed Mooge oo noo dhexeeya aniga iyo Xassan Dheere uu ku riday. Xabad ayaa Maxamed Mooge ka cuskatay halkaa goljilicda ee sarcanta guudkeeda.

Maxamed Mooge waxaannu ula cararnay dhakhtarka ciidanka ee Awaare, hase yeeshee dhakhtarkii wuxuu ku taliyey in loo qaado Dhagax-Buur.

Haddaba, shirqoolkaasi lagu dilay Abwaan Maxamed Mooge Alle ha u Naxariistee, iyo ilaa 16 qof oo la socday wuxuu dhacay Afartii Bishii June 1984-kii , xilligaasi oo lagu dilay Jid goyn loogu galay meesha la yidhaahdo Qaswareen ama Meer meertada, oo ka shishaysa una dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur.

Bal haddaba, haddii aynnu qiyaasno shirqoolkan iyo sida wax u dhaceen, miyaannad xusuusannayn erayadii ahaa:

“Shafshafaa la ii rabay”!!

Meeriskan oo ku jiray heeskiisii Shabcaan oo uu qaaday 1972-kii, kuna qaaday magaalada Nayroobi. Erayada waxa lahaa Xasan Qawdhan, Laxanka, codka, iyo tumistana waxa lahaa Maxamed Mooge Alle haw wada naxariisto e.

Shafshafo: waa dawayn iyo baanin qofka dhaawacma lala gaadho. Haddaba kolkii uu Maxamed dhaawacmay, shafshafo ayaa lala rebay oo, waaba tan ilaa dhagax-buur in loola cararro la doonnaayay. Saw cajaa’ib maaha kolkaas in 12-sano ka dib uu midhahaas uu qaaday sabab u eeg uu ku baxay M. Mooge……..”Maxamed Mooge, gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah, oo noocii hore ee ‘Siible qafasle ah’ ayay saarnaayeen isaga iyo nin. Ragga kale waxaa wehelisay gabadh Faadumo la odhan jiray, oo iyaduna la socotay, halkaas ayaa ambush/jidgoyn loogu galay, waxaana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaallamayay. Dadka dilay oo ka koobnaa oday iyo wiilal uu dhalay iyo qaraabadiisa, waxay daba socdeen aannooyin la buunbuuniyey oo cadowgii ka faa’iidaystay.

Ilaa 16 dagaalyahan ayaa ku dhintay oo Maxamed Mooge ka mid ahaa, Aadan Guhaad oo Aadan Waali la odhan jiray ayaa ka mid ahaa, -taliyihii Amniga SNM-. Waxa kale oo ka mid ahaa nin taliye ahaa oo Daa’uud la odhan jiray, oo geesi ahaa, iyo gabadhaas… Dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen, halkaasi ayayna ku dhinteen dhammaantoodba, marka laga reebbo hal wiil oo ay meyd ahaan uga tageen, oo markii dambe noolaaday oo loo bixiyey Sigad, hase yeeshee ku dhintay halgankii SNM.

“Walaalkay nimaan u haystay

Muxuu waddo ii fadhiistay,

Ruux aan wehelkayga moodday

Ka qaybgalay weerarkayga

Ruux aan la wadaaggay oontu

Ku wiirsaday dhiilladayda”

Bal yaabkan kale ila eeg:

Dadka waddada u galay, kuwa geeridiisa ku farxay, iyo kuwa qorshaha shirqoolkiisa ka qaybqaatayba, guud ahaan waa dadkii uu u halgamaayay, ee uu rabay in ay gacanta Siyaad Barre oo aad ugu kululayd uu ka badbaadiyo, maxaa se loogu abaal-gudday? ………..!!

Dilkaas Maxamed Mooge iyo raggii la socday loo gaystay, waxa ka bilaabmay dagaal ehliya, oo dhex maray beeshii uu Maxamed Mooge ka dhashay (Ciidagale) iyo Beeshii nimankii jid goynta u galay (Ogaadeen) dagaalkaasi wuxuu bilaabmay Bishii June 1984, waxaannu dhammaaday dabayaaqadii 1986-kii. Dad badan baa dagaalkaas naftooda ku waayay’’.

Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Bishii June 5, 1984 ayaa isaga iyo dagaalyahanaddii Maalintaa lala dilay waxa lagu aasay Awaare geed ku yaalla oo Weerane la yidhaahdo, oo dhinaca Midig kaa qabanaya.

“Waagaw dhakhso

Habeenkaw wareeg

Qorraxdaay waddada

Ku caddeed warmaha

Adiguna wedkaw

Wehel la’aan hay dillin”

Midhahan kale waxa uu ku heesay wakhti ku dhaw wakhtiyadaas heesaha hore uu qaaday. Jabuuti mar uu tegay ayaannu halkaas ugu dhiibbay Ibraahim-gadhel Alle haw wada naxariisto e. Sidaas ayaannu ku qaaday.

Waxa haddaba iyaduna yaab kale leh, habeenkan uu karaahsannaayo Maxmed Mooge, oo uu waaga dheeraysannaayo, iyo sidii aannu u seexan habeenkii uu subaxnimadkiisa geeriyoon doonno, ee uu saamalaylka u noqday. Waxa amakaag leh qorraxdii uu suggaayay oo waa aan wanaag u sidin uu kala kulmay. Tacajab ayay leedahay wehel la’aantii uu wedka ka durraamannaayay in aannu ku oofsan, oo iyadana wax uga rumoobeen.

“Adiguna wedkaw

Wehel la’aan hay dillin”

Wehel la’aan ma dhimannin Maxamed, iskaba daa dhimashada e, xataa qabriga wehel la’aan kuma gelinne, sideed (8) nin oo ka mid ahaa raggii la geeriyooday ayaa isku hal meella lagu wada aasay; illaa maantana qabrigoodu iskugu jiraa!!

Sida uu ku sheegay filim taariikheedkiisa, Boobe Yuusuf Ducaale oo sharax ka bixinayay shakhsiyadii Marxuum Maxamed Mooge, waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge wuxuu ahaa Mujaahidiintii halganka Soomaaliyeed ka qayb galay, waxa uu ku horreeyay Jabhaddii SSDF, waxa uu ku danbeeyay Jabhaddii SNM, Alle ha u naxariistee wuxuu dhashay ilaa 1943-1944-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaraf, Waxbarashiidii dugsiga dhexe waxa uu ku dhammaystay dugsiga Axmed Guray, ka dibna tababar Macalinimo ayuu qaatay’’.

Boobe waxa uu sheegay in Alle ha u naxariistee marxuumku isagoo macalin ah uu Fanka Bilaabay.

‘’Tababarka Macalinimo wuxuu ku qaatay dugsigii Camuud, Macalinimadiisa wuxuu ka bilaabay dugsiga Xaafadda New Hargeysa, degmada Oodweynne ayuu ka shaqeeyay, isagoo Macalin ah ayuu marxuum Maxamed Mooge Fanka Bilaabay’’.

Boobe Yuusuf Ducaale isagoo sharaxaya kaalintii uu fanka kaga jiray Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge waxa uu ahaa inta tirada yar ee laamaha badan ee fanka Kulmisa, Maxamed Mooge nin hal abuur ah ayuu ahaa, heeso ayuu lahaa, heestiisii ugu danbeysay wuxuu tiriyay bishii April sannadkii 1984-kii midhihii waannu helay , laakiin laxankii wuu lumay’’.

Boobe waxa kale oo uu ka hadlay kaalintii halgankii SNM uu kaga jiray marxuum Maxamed Mooge waxana uu yidhi ‘’Maxamed Mooge ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa nin halgamaa ah, oo aan halgankii Soomaaliyeed aan ka baaqan oo marna SNM ku soo dagaalamay, saddex sano ka hor aasaaskii SNM-na ka mid ahaa jabhaddii SSDF, Maxamed sidaasi ayuu ku shihiiday, oo ay adkayd in bedelkooda loo helo.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay shakhsiyaddii Maxamed Mooge, waxa uu yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Maxamed kaas ayuu ahaa, nin xarrago badan ayuu ahaa, nin xishood iyo xarrago badan ayuu ahaa, nin halganku ka dhab yahay ayuu ahaa, oo bilaabay sannadkii 1978-kii, oo uu ka mid ahaa SSDF, isagoo Addis ababa joogay oo ku sii sugayay SNM’’.

Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Marxuumku duruuftaas qalafsan ayuu u badheedhay ee aan dabeecad u ahayn ninka Fanaanka ah oo iska jecel nolol Raaxo leh oo fudud, waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku dagaal galay kamankiisii oo hees gaar ah uu u tiriyay ayna ka mid ahaayeen deg degooyoow maxaan kula dal maray, waxyaabaha dhaxalka ah ee uu Alle ha u naxariistee uu ka tagay Kamankaas ayaa ka mid ahaa oo hada yaala oo geli doona meelaha taariikhda lagu kaydiyo’’.

Boobe waxa uu sheegay in Maxamed Mooge uu mar qudha guursaday, oo uu dhalay gabadh la yidhaahdo Yaasmiin oo xilligaas degan Magaalada Nairobi ee Kenya.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi

Fg: Boobe iyo in ka mid ah taariikh nololeedka Maxamed Mooge qoraal keed Facebook ayaan ka helay.

U yeedh cid kaste oo Maxemed Mooge jecel fankiisa iyo taariikhdiisa, ama la wadaag.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews