Maxaad Ka Fahantay Dagaalka Dawlada Soomaaliya Ay Ku Hayso Jamhuuriyada Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Fahantay Dagaalka Dawlada Soomaaliya Ay Ku Hayso Jamhuuriyada Somaliland?
July 7, 2019 - Written by Editor:

Waxaa laga yaabaa in dad badan iswaydiinayaan dagaalka dawlada fadaraalka soomaaliya ku hayso somaliland waayo afka waxay ka leeyihiin iyo isma laha waxay fulinayaan hadaba qormadan kaga bogo oo horta fahan

Dawlada ku magacaaban faderaalka soomaaliya ee fadhigeedu yahay villa soomaaliyada magaalada moqdisho ayaa dabka u kordhisay dagaalkii ay waayadanba ku haysay dawlada jamhuuriyada Somaliland .

Dagaalkan ayaa u qaybsan sadex jiho;

1.dagaal dublumaasiyadeed

2.dagaalka deeqaha iyo maalgalinta caalamiga ah

3.dagaal laga oogayo gudaha deegaanada Somaliland

Dawlada soomaaliya matasha iyadoo ka faa,idaysanaysa aqoonsiga ay ka haysato beesha caalamka waxay sidii farmaajo loo doortayba bilowday dagaal dublumaasiyadeed furintan oo ah ta ay inta badan ku hawlan tahay maxaa yeelay dawlada farmaajo ma qabato waxaan ahyn emailo laga jawaabo iyo facebook oo gacanta kuma hayso xataa magaalo madaxdii dalka hawsha kaliya ee u taalaana waxa weeyi inay caalamka warqado u kala dirto. Hadaba iyadoo sidaas ah ayay dagaal adag ku qaaday Somaliland si ay caalamka ugu qanciso inay tahay Somaliland qayb ka mid ah soomaaliya oo aan la qaabili Karin lalana macaamili Karin hadaan la soo marin dalada faderaalka .inkastoo waxyaabo badan saamaysay waxa ugu weyn ee u suurto galay waa la wareegida hawadii soomaaliya oo ay ku jirto hawada Somaliland.

Ta labaad inakstoo ayna Somaliland haysan aqoonsi caalami ah hadana hayadaha caalamiga ah iyo dawladaha aduunku si gaar ah ayuu ula xidhiidhi jirey taasi way ka hor timid dawlada farmaajo waxaynna waraaqo badan u dirtay beesha caalamka waxayna ku dadaalaysaa in mashruuc kasta oo laga fulinayo Somaliland ay iyadu door muhiim ah ku lahaato sidoo kale heshiis aan lala gali Karin Somaliland heshiis la mid ah ka DPWORLD oo kale

Ta sadexaad waxay dalada faderaalka ku magacaaban bilowday olole ka dhan ah Somaliland gudaha dalka Somaliland iyadoo bartilmaameedsanaysa gobolada qaar sida awdal sool iyo sanaag sidoo kale waxay abaabushay mashruuc lagu soo xero galinayo dadka ka dhex muuqd a bulshada sida fanaaniinta,abwaanada saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta waxaana imika uga suurto galay inay fanaaniin badan geysay koonfurta soomaaliya.

Hadaba Somaliland maxaa la gudboon?

Waxaa la gudboon Somaliland inay fadhiga ka kacdo oo ay saamayn ku yeelato siyaasada gudaha dalka soomaaliya haday noqoto xag siyaasadeed xag sirdoon iyo xag kasta oo kale oo suurto gal ah waa inay olole u gashaa sidii loo badali lahaa dawlada haatan jirta oo meesha la keenaa dawlad u fudaydisa danaha dawlada Somaliland.

QALINKII; CABDIKARIM MUXUMED CADE(QAAMUUS)

 

COMMENTS
LINKS