Shantii Madaxweyne Iyo Farmaajo!W/Q; Cabdirasaq Askar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shantii Madaxweyne Iyo Farmaajo!W/Q; Cabdirasaq Askar.
July 9, 2019 - Written by Editor:

Marka laga reebo Farmaajo , dalka Somaliya ee aynu jaarka nahay waxaa soo maray 5 Madaxweyne marka laga soo bilaabo Sanadkii 1991 . Cali Mahdi ayaa ka kowaad ahaa oo wakhtigiisu ahaa January 1991 illa June 1995. Cabdiqaasim Salaad ayaa ku xigay oo isna ku mudaysnaa 27 Augost 2000 illaa 14 October 2004.  Abdillahi Yusuf ayaa isna ahaa 14 October 2004 illaa 29 December 2008. Shariif Sheekh ayaa sidoo kale isna ahaa 31 January 2009 illaa 20 August 2012. Waxaa shantaa ugu dambeeyey Xasan Sheekh oo ahaa 16 September 2012 illaa 7 February 2017

Haddaba, waxaynu iftiimin doonaa Shantaa madaxweyne oo Mudo xileedkoodu ahaa  26 sanadood iyo Farmaajo oo 2 Sanno iyo 5 billood xilka hayey sida hab-dhaqan kooda Somaliland ku wajahan ahaa ama yahay .

Waxaa biyo kama dhibcaan ah in Madaxweynayaashaa soo maray dalka aynu jaarka nahay ee somaliya ay ka midaysnaayeen midnimada iyo inay kasoo horjeedeen Madaxbanaanida Somaliland. Balse marka laga reebo Cabdillahi Yusuf 4ta Madaxweyne ee kale waxay ku suntanaayeen in ayna Somaliland ku hayn Dagaalo joogto ah oo dibed iyo gudaba ah.  May ahayn Masuuliyiin Calool xumo iyo Xiqdi u haya Dalka iyo Dadka Somaliland…. Iyaga waxaan filayaa in shacabku ka wada warqabo sida ay ula dhaqmi jireen Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha hadda ee Farmaajo  ee dalka Somaliya oo xilka loo dhiibay  8 February 2017 waxa uu u muuqdaa nin ka duwan oo la yimid siyaasad ka duwan tay lahaayeen madaxweynayaashaa hore ee aynu dusha ku xusnay. Siyaasad XASUUQ DADBAN oo salka ku haysa Hab-dhaqankii ADEERKII Siyaad Bare ee uu 21 Sanno ku hayey Shacabka Reer Somaliland kuna Xasuuqay boqolaal kun oo rayid ah , malaayiin hanti ahna lagu waayey, waxa intaa dheereyd in uu hirgaliyey Siyaasada YUHUUDA ee Degaamaynta Dad yuhuuda inay dajiso dhulka Falastiin. Afweyne kumanaan kun oo dad ay isku hayb yihiin ayuu dalkii dajiyey oo uu deegaameeyey.

Aynu usoo noqono Siyaasada ama isku dayada Xasuuqa dadban ee Farmaajo. Waxa uu u muuqdaa nin haysta dardaarankii adeerkii AFWEYNE oo ku salaysan Dagaal iyo Colaad ka dhan Jiritaanka Ummada Somaliland. Waxa uu dalkan kusoo qaaday dagaalo gudo iyo dibed ba leh oo ay kamid ahaayeen Dagaaladii Jiidahore ee Xuduuda Somaliland iyo Somaliya u dhaxaysa, Isku-dayadii Cunaqabataynta dhaqaale ahaa ee Heshiiskii Dekeda Berbera (Sland iyo UAE) ,  sidoo kale Saldhigii Berbera, Arimaha Hawada ee ICAO,  Warqadii Dhoofka Xoolaha ee Sucuudiga, iyo tan manta taagan ee booqashada Madaxweynaha Somaliland ee GINI. Iyo in badan oo aanan halkan ku xusin iyo in qarsoon ba.

Gunaanadkii ; waxaa hubaala in Madaxweynaha Villa Somalia ka taliyaa uu wado Xasuuq Dadban oo ku aadan Qaranimada iyo Shacabka Somaliland loona baahan yahay in Dawlad iyo Shacaba  dareenkeeda loo yeesho iyada oo ay tahay waxa uu wadaa ficilo ayna la iman shanti Madaxweyne ee Dalkaa Somaliya Soo maray laga soo bilaabo 1991. Mar uu lasoo dagaal galo Maamul goboleedka somaliya ee puntland , mar uu dhinaca dhaqaalaha inagala dagaalamo iyo mar uu Xidhiidhka aynu la yeelanayno bulshada caalamka uu dacawo-sheegeeyo…!

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa ,Somalila

 

 

COMMENTS
LINKS