Xildhibaan Siciid Cilmi Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Berbera Iyo Doorka Uu Ka Qaatay Dahabshiil+Arimo kale Oo Xasaasiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Siciid Cilmi Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Berbera Iyo Doorka Uu Ka Qaatay Dahabshiil+Arimo kale Oo Xasaasiya.
July 9, 2019 - Written by Editor:

“Halkan Waxaan Uga Ducaynayaa Dahabshiil Oo Cadeeyay In Uu Yahay Muwaadin Deegaan ah, Halka Oomaar Oo Dekeda kala Soo Dega Alaabta Ugu Badani Uuna Ixtiraami Waayay”Xildhibaan Siciid Cilmi,

BERBERA(W,N)Xildhibaan Siciid Cilmi Ayaa faah faahin ka Bixiyay Qaybaha Uu Ka Kooban Yahay Dugsiga farmasada Gacanta Ee Magaalada Berbera iyo Sida ay Reer Saaxil Uga faa,iidi Doonaan,

Sidoo kale xildhibaan siciid oo kamida mudanayaash golaha wakiilada Somaliland lagana soo doortay gobolka saaxil  ayaa mid mid usheegay ganacsatada reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qaateen maalgalinta dugsiga farsamada gacanta.

Dhanka kale xildhibaan siciid ayaa fariin culus udiray maamulka DP WORLD oo aan wali wax taakulo ah ka gaysan dugsigan halka taa badalkeeda ay xataa shaqaalaha kasoo qaateen dibada iyadoo reer berberi bilaa camal yihiin.

wakiilada somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Waji Gabax ay kala kulmiyeen maamulka Oomaar Company oo uu sheegay xataa in uu diiday in Uu Qaabilo, iyagoo haldoorkii gobolka saaxil, Ah,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS