Madaxwayne Biixi Oo Casuumad Dhaqaale Badani Ku Baxay Ku Dhigtay Gurigiisa ,Xili Xaalada Colaadadeed Ee Ceel-Afwayn Cakiran Tahay+Waxay Daarnayd! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Casuumad Dhaqaale Badani Ku Baxay Ku Dhigtay Gurigiisa ,Xili Xaalada Colaadadeed Ee Ceel-Afwayn Cakiran Tahay+Waxay Daarnayd!
July 12, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)–Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi Cadbi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay Macsuumad Qado ah oo la isku arkay taasi oo kulan siisay Odayaal kasoo kala jeeda Jufooyinka Somaliland Oo dhan, kuwaasi Oo ka kala yimid mid ilaa   heer Gobol .

Ujeedada marti qaadka madaxwaynuhu fidiyay oo aanay kaadhka marti qadka ku qornayn waxay daran tahay iyo cida ay gaarka utahay toona ayaa ahayd mid kulmisay wajiyo qaarkood isku hayeen hirdanka siyaasada,

Qisada layaabka leh ee meesha ku jirta ayaa ah inaanay is ogayn odayaasha madashani lagu macsuumay, waxaanay beel walba dhankeeda u filanaysay oo ay u qarsanahay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynaha, balse waxa ay arintani timid markii ay gurigiisa ay iskugu yimaadeen Wajiyo badan oo caan ah oo kasoo kala jeeda beelaha Somaliland.

Casuumada madaxwaynuhu fidiyay oo ay ku baxday dhaqaale badani ayaa bulshada reer Somaliland siyaabo kala duwan ufalaynqaynaysay halka dadka qaar ku sheegeen madaxwaynuhu in uu casuumay beesha gobolka saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay.

Balse warka rasmiga ee laga helayo casuumadan ka dhacay guriga madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in ay ahayd mid loogu ducaynayay arooska wiilkiisa oo dhawaan ku aqal galay  dalka aynu jaarna nahay ee jabuuti Maxamed Muuse Biixi

Arimaha la yaabka  leh ee ku lamaan casuumada madaxwayne biixi ku sameeyay gurigiisa ayaa waxaa kamid ahaa bulshadii kala duwanayd ee iskugu yimid goobta oo markaliya ku baraarugay waxay daarnay casuumadan  madaxwaynaha ka heleen oo dadka qaar uhaysteen in  beesha ay kasoo jeeda uu madaxwaynuhu gaar umarti qaaday iyo waxa uu madaxwaynuhu kala hadli doono.

Casuumadan madaxwayne biixi ku dhigtay gurigiisa ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili xaalad colaadeed ka taagan tagay deegaanka ceel afwayn taasi oo galaafatay nafaha shacab reer Somaliland ah wali ay ka taagan tahay saan saan colaadeed iyo kala fogaanshaha farxadiyo bakhaanbakha madaxwayne biixi ,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS