Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarkii Ka Dhacay Kismaayo Iyo Tirada Xildhibaano laga Soo Badbaadiyey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarkii Ka Dhacay Kismaayo Iyo Tirada Xildhibaano laga Soo Badbaadiyey!
July 12, 2019 - Written by Editor:

Kismaayo (W,N) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegayo inay weli ciidamadii hubeysnaa ku jiraan gudaha Hotel Cascasey oo ay gelinkii dambe ee Maanta ku galeen weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah.

Sida ay  xaqiijiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana socdo dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku jiro Hotelka.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey in Hotelka laga soo badbaadiyey Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaano iyo Diasparo badan oo kasoo jeedo Beesha Axmed Madoobe kuwaas oo ku xayiran Hotelka isla markaasna aan la xaqiijin karin nolol iyo geeri.

Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen.

Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ayaa howlgal ka wado Hotelka, waxayna wararka sheegayaan inay gudaha hotelka weli jiraan kooxihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday.

Waxaa jiro khasaaro xooggan oo ka dhashay weerarkaas qaraxa ku bilowday, inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno tirada saxda ah.

 

COMMENTS
LINKS