Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan Isku Soo Korfadhiisiyay Maayarka Gabiley Iyo Xildhibaanada Khilaafka Culus Udhexeeyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan Isku Soo Korfadhiisiyay Maayarka Gabiley Iyo Xildhibaanada Khilaafka Culus Udhexeeyo!
July 12, 2019 - Written by Editor:

Hanjabadii Wasiir Kaahin,Habrashadii Maayar Amiin+Hoos Ufaqii Xildhibaanada Golaha Degmad Gabiley!

HARGAYSA(W,N)-Wasaarada Arimaha Gudaha jsl  ayaa soo faro galisay  khilaafka  golaha deegaanka gabiley kaasi oo maraya meel xasaasiya islamarkaana isku for fadhiisisay kulan foolka fool ah maayarka iyo xildhibaanada Khilaafku ka dhexeeyo oo iyagu dhinacooda wada   mooshin xilka laga qaadayo.

??

Wasiirka arimaha gudaha oo kulan wada jir ah ku qabtay xafiiskiisa ayaa isa soo horfadhiisiyay  maayarka gabiley iyo xildhibaanada khilaafka culus udhexeeyo kuwaasi oo tiradoodu ahayd 11 xildhibaan,

??

Kulan wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa ku  wehelinayay wasiirka isgaadhsiinta iyo xubno kale oo katirsan wasaarada arimaha gudaha iyagoo kulan uu goob joog ka ahaa maayarka magaalada gailey maxamed amiin cumar cabdi,

??

Kulan ayaa ahaa mid albaabadu uxidhan yahay islamarkaana aan jirin wax faah faahin oo ay ka bixiyeen wasiirka arimaha guduhu,

Wararka laga helayo kulan wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka isgaadhsiintu isku soo hor fadhiisiyeen labada dhinac ee muranku ka dhexeeyo ayaa tibaaxaya in wasiirka arimaha gudaha oo isagu lahaa isku yeedhida labada dhinac uu furay shirka isaga oo labada dhinacba ka dhagaystay midwalba doodiisa.

Sidoo kale wararka laga helay kulanka xildhibaanada khilaafku udhexeeyo maayar ayaa tibaaxaya in wasiirka arimaha gudaha maaryarka ugu hanajabay in xilku aanu ahayn mid madaxtooyadu uhayso balse cida rasmiga ah ee wada shaqayntu ka dhaxayso ay tahay golaha deegaanka lagana yeelayna in uu sida uu doono yeelo una hogaansami waayo Awaamiirta wasaarada arimaha gudaha iyo Ku dhaqanka xeerka golayaasha deegaan,

Kulan ayaa lagu soo afmeeray in khilaafka golaha deegaanka gabiley ay wasaarada arimaha guduhu usaarayso gudi xogogaal raadin ah taasi oo wasaaradu soo magacaabi doonto

Dhanka kale wasiirka wasaarada isgaadhsiinta ayaa isagu ku hawlanaa sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka golaha deegaanka oo isagu noqday mid soo noq noqda.

Maaha markii ugu horaysay ee muran noocan oo kale ah uu soo kala dhexgalo golaha deegaanka iyo maayarka gabiley iyadoo mudo hore uu xalinta khilaafka golaha deegaanka gabiley gobolka utagay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi oo isagu shir kula qaatay xildhibaaanada iyo maayarka una soo jeediyay In ay wixii wada shaqaynta dhexdhooda ah ku dhamaystaan golaha joojiyaana warbaahinta ay ka yoo yootamayaan.

Dadka sida dhow ula socda habdhaqanka maayarka gabiley iyo xildibaanada golaha deegaanka ayaa iyagu walaac iyo rajo beel xoogan ka qaba gabi ahaanba golaha deegaanka gabiley oo ay ku eedeeyeen kuwo shaqadii ay bulshadu usoo dooratay kaga mashquulay ishaysadkooda iyo musuq maasuq baahsan oo hadheeyay golaha islamarkaan aan si cad bulshada ula wadaagin ku dhaqanka miisaaniyada golaha oo marwalba lagu eedeeyo In ay jiraan goldaloolooyin faro badan iyo soo noqnoqoshada mashaariic ku jiray miisaaniyadii hore ee ay Ansixiyeen,

Sikastaba ha ahaatee waxaan sicad loo ogayn in wasarada arimaha gudaha iyo badhasaabka xukuumada ujooga gobolka Gabiley  in ay si toosa ugu gudo gali doonaan halka ay sartu ka qudhuntay iyadoo lagu wado wasaarada arimaha guduhu in dhaq dhaqaaqeedanu uu noqdo uun mid lab qaboojina oo aan sicad udawaynin xaqiiqada rasmiga ah ee ka jirta dawlada hoose ee gabiley.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS