Wargayska The East Africa Oo Warbixin Cajiib ah Ka Qoray Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Qabsatay +Awoodeeda Dhaqaale, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargayska The East Africa Oo Warbixin Cajiib ah Ka Qoray Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Qabsatay +Awoodeeda Dhaqaale,
July 14, 2019 - Written by Editor:

Nairobi(W,N)- Wargeyska The East Africa ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku ammaanay JSL oo uu ku sifeeyey inay qabsanayso wixii ay haysato.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Wargeyska  The East Africa, waxaanu intaas ku daray in   Jamhuuriyadda Somaliland ay xaddidan tahay dhaqaalaha qaadhaanbixiyeyaashu ku caawiyaan, taasina ay saameyn ku yeelatay horumarkii ay sameyn laheyd Somaliland.

Warsidaha The East Africa wuxuu iftiimiyey in miisaaniyadda Somaliland ay gaadhayso  400 oo Milyan oo Doolar oo ay ku jirto lacagta Dekedda Berbera oo  xiligan ay   Shirkadda  Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World  ay dib ugu dhisayso lacag dhan 442 Milyan oo Doolar.

Wasiirka Horumarinta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska The East Africa in aanay Somaliland dhaqaale ka helin Hay’ado Maaliyadeed oo badan, sidaas darteedna  ay qabsanayaan wixii ay dal ahaan haystaan.

“Kama helno wax caawimo ah Hay’ado Maaliyadeed oo badan,sidaas awgeed waxaanu sameynaynaa wixii aanu awoodno ee aanu haysanno,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wargeyska The East Africa wuxuu sheegay in JSL ay lagu rajo weyn yahay in laga soo saaro macdan, iyadoo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee RAK Gas iyo shirkadda Genel Energy ay afartii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen   hawlo shiidaal baadhis ah isla markaana rajo weyn laga qabo in laga soo saaro shiidaal Somaliland.

Wargeysku  wuxuu weriyey inay  Somaliland ku jirto afar dal oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka, kuwaasi oo celcelis ahaan dhaqaalaha sannadkii soo gala qof kasta lagu qiyaasay 400  oo doolar sannadkiiba, waxaana dalalkaasi ka mid ah Burindi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Malaawi.

 

COMMENTS
LINKS