Qaylo-dhaan Badbaado Qaran!W/Q;Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaylo-dhaan Badbaado Qaran!W/Q;Xamse Khayre.
July 16, 2019 - Written by Editor:

Arimaha Gacanta JSL ka baxay muddadii u dhaxaysay 2010-2019 ee labadii maamul ee Kulmiye ku abtirsanayey ay xilka u kala dambeeyeen.. Labaddaas Xukumadood ee Kulmiye kala ahaa MURDISO (2010-2017) iyo MA-GAFA (2017-hadda) waxay iibiyeen/hagradeen/hayn kari waayeen:

1.Hawaddii (Aviation)

2 Dhoofkii Xoolaha

3.Shidaalkii & Sahamintiisii

4.Deeqihii Caalamiga ahaa

5.Xidhiidhkii Arimaha Dibedda

  1. Is-gaadhsiintii (Fiber Optic)

7.Bangiyadii Ganacsiga (Commercial Banking)

8; Dekedii Berbera

9; Garoonka Diyaaradaha Berbera

10; Dadkii (Diyaaradda Xamar u baxda ila soo eeg waxa reer Hargeysa u socda ama ka yimid Muqdisho ee u guuray)

11; Fanaaniintii,

Waxaas oo dhan waxaa la wareegtay Dawladda Federaalka Soomaliya marka laga reebo #FiberOptic, iyo Dekeda oo Jibuuti iyo imaaraad la wareegeen.

Waar dadka runta u sheega waad ku fashilanteen himiladii gooni-isku-taaga. Dadkoow baraaruga oo badbaadiya wixii aynu naf iyo maalba u waynay ee qaran madax banaan oo xor ah inaynu helno. Yaan la idinku khaldin “hebel wuu u soo dagaalamay oo looga baqi maayo”.

QALINKII; XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE.

COMMENTS
LINKS