Fikir Dheer Ka Bacdi: Dhan Isu Mara!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fikir Dheer Ka Bacdi: Dhan Isu Mara!Prof Cabdi Cali.
July 16, 2019 - Written by Editor:

Waxa ii soo baxday in koox kaliyi isu keen qaybisay; dhan ha isu maraan; waa isku fikir, isku waxbay aaminsan yihiin, reerka ay doonaan ha ahaadaan ama gobolka ay doonaan ha ka soo jeedaan. axsaabta jirtaa waa xisbi kaliya. Xisbigii kale ee ka duwanaa wuu maqan yahay!!! Waxa kaliya ee ay isku hayaan waa kursiga!!!, adduun raadis ba ha ku biyo shubatee!!!

Haa, qof kasta oo innaga mid ah, macal aniga, oo siyaasadda galay qolo ayuun buu xisaabsanaa; haddaba maanta ayay talo igu caddaatay!!!; talow haddana miyaan kala raacaa oo qolada kale ayaan soo raacaa; ujeeddadu waa kursigii uun; dee nacasku miyaanu ahayn qofka ku celceliya qaladkiisa; Ainsten isaguna wuxu yidhi waalidu waa adigoo wax isku mid ah ku celceliya, isla markaana fisha natiijooyin kala duwan.

Natiijadu waa tii uun; marka ay kursiga gaadhaan waxay la soo bixi doonaan wajigoodii dhabta ahaa; dee aniguna is casilaaddii uun baan ku danbayn, ileyn la iigu taagwaa iskala shaqayso’e; miyaad igula talinaysaa in aan xisbiyada jira mid ka mid ah ku biiro?!!! haddii ay maya tahay; dee aan keeno fikir cusub; mise waan iska daawanaa filimkan isku mid ka ah?!!!

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

 

 

COMMENTS
LINKS