“Waraaqihii Boosta Ayaan U Diray”Dhacdooyinka La Yaabka Leh Ee Ka Socda Xafiisyada Dawladda Hoose Hargaysa.W/Q:CaliCoomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waraaqihii Boosta Ayaan U Diray”Dhacdooyinka La Yaabka Leh Ee Ka Socda Xafiisyada Dawladda Hoose Hargaysa.W/Q:CaliCoomay
July 18, 2019 - Written by Editor:

Afartii Bilood ee ugu Dambeeyey waxa ay hawli iga gashay xafiisyada masuuliyiinta sarsare ee dawladda hoose ee Hargaysa, gaar ahaa saddexda ugu sarraysa. Shaqaale hoosaad iyo dadweynaha u socda hawlaha kala duwani, waa kuwa si joogta ah u yimaada xafiisyada. Dadka u socda inay la kulmaan masuuliyiintu waxa ay u socdaan dano badan. Kuwa doonaya dhul dan guud oo la siiyo, kuwa u socda hawlaha ay dawladda hoose qaranka u hayso, kuwa u socda shaxaad iyo dawaris ay balwadu keento. Waxa aan halkan idiinku soo gudbin doonaa dhacdooyin aan goobjooge u ahaa oo intooda badani ay baalmarsan tahay nidaamka dawladnimo. Waa dhaqanno tilmaamaya basar xumo iyo fowda lagula kacay hawlaha qaranka loo hayo, marka ay timaado in madaxdu ay xafiisyo ka dhigtaan guryahooda oo ay faylaasha iyo waraaqaha ku saxeexaan, halkii ay xafiisyadooda ku saxeexi lahaayeen.

Dhacdooyinka La yaabka leh:

;Waraaqo aan sitay ayaan u dhiibay shaqaalaha xafiiska mid ka mid ah masuuliyiinta dawladda hoose, markasaan ku yidhi “ markuu masuulku yimaado ka saxeex. Oo goormuu yimaadaa? Markaasuu iigu jawaabay” inta badan ma yimaado, laakiin waraaqaha BOOSTA AYAAN KUU DHIGI ee beri u kaalay” oo boostu waa maxay ayaan ugu af-celiyey. “ waa waraaqaha guriga loogu geeyo masuulka ee uu ku soo saxeexo”. Haa waan gartay.

Aniga oo aan meeshii ka dhaqaaqin ayuu daf noo soo yidhi nin aan da’ahaa ku qiyaasay 50 jir xiiqsan oo dhidid iyo bawladi isugu darsantay, markaasuu si aan hubsiimo lahayn u yidhi” ma soo dhaceen waraaqihii Boostu, 9 xabbo ayaa ku lahaaye”. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa si degan ugu yidhi” laba cisho may iman waraaqihii boosto, laakiin kuwii hore loo keenay ayaan kaaga eegi doonaa”. markaasaan si hoos isu idhi show waa shay iska caadi ah BOOSTU oo dadku way iskala qabsadeen basar xumadan lagula dhaqmay. Masuulkan waraaqaha loogu talo galay xafiiska in lagu saxeexo ee uu gurigiisa u qaatay.

=;Gabadhii Faylka raadinaysa: Gabadh ayaa wax yar ka dib noogu soo gashay xafiiskii, markaasay tidhi” Hebelow faylkaygii miyaad heshay?”, kuye, maya ee guriga masuul hebel ayaa laga dhex-baadhayaa. Hadda la soco waa fayl ku lumay BOOSTII oo aan dib ugu soo noqon gabadha. Intuu waxoogaa dareenkeedu is-beddelay ayey si daacad ah u tidhi” kolay carruurtiisa ayaa jarjartay ama xaaskiisa ayaa xashiishka raacisay. Ma wax guri la geeyey ayaa la helayaa, ayey si calaacal leh u raacisay. Markaasay iska dhaqaaqday”.

=;Dooddii labada Nin: Labadan nin oo wada socda ayuu mid soo galay xafiiska aannu joognay, markaasuu isna sidii caadada ahayd weydiiyey waraaqihii Boostu in loo baadho bal inay kuwiisii ku jiraan. Kii labaad ee la socda ayaa isna ka soo daba-galay. Waraaqihii ayaa laga waayey kuwii uu doonayey. Markiiba waxa ay geesaha is-dareen kii labaad oo kula dooday shaqaalihii inuu waraaqdiisii dib ugu soo celiyo, maadaama oo ay raagayso oo aan xafiiska lagu saxeexayn. Ninkii shaqaalaha dawladda hoose ahaa ayaa eeda guriga waraaqaha lagu soo saxeexo iska riixay, oo kula dooday in aanu isugu masuul ka ahayn.

Iyaga oo hadalku ka xumaaday oo uu xanaaqay kii waraaqdu ka maqnayn, ayuu xafiiskii soo galay nin waayeel ah oo siduu sheegay muddo 60 sanno ah shaqaale ka ahaa dawladda hoose. Waxaanu ku soo biiray dooddii oo wuxuu la saftay shaqaalihii xafiiska joogay. Waxaanu ninkii waraaqaha doonayey ku yidhi” Waaryaahe, adeer waan kaa weynahay oo waad I aragtaa, kow dheh, haddii dhawr doorasho oo xumi ku horyaalaan, tan ugu fudud ayaa la doortaa. Markaa dantaada ka raac oo wixii dantaadu ku jirto raac, waayo nidaamka halkan yaalla waa noocaasi”. Ninkii hadalkii ayaa meel kaga dhagay, markaasuu shib yidhi, waar bal waan ugu soo noqone raalli ahow ayuu ku gaabsaday.

Guddoomiyaha Degmada 26 Juun.

Markii ay waraaqihii iiga soo dhammaadeen ayaan u soo kacay dhinaca xafiiska degmada 26 Juun ee isla dawladda hoose. Waxa xafiiska fadhiya guddoomiyaha goobta oo ah nin shaqadiisa qabsanaya, oo dhawr qof siyaabo kala duwan ugu adeegaya. Salaan ka dib wuxuu si degan noogu yidhi” intan idinka horraysa aan u dhameeyo ee suga”. Waa hagaag ayaanu ugu af-celinay. Waa nagaa u galnay, waraaqihiina u dhiibnay. Intuu kaaliyihiisa u yeedhay ayuu nidhi waar hebel iigu yeedh. Waa loogu yeedhay, markaasuu amray inuu shaqadan waraaqda soo dhammeeyo oo uu na raaco.

Haddana wuxuu yidhi aniga laftayda ayaa kormeer isla goobtaasi meel u dhow u baxaya, markaa waynu is-wada raaci doonaa. sidii ayuunu isku raacnay. Hawshii aanu u soconay wuu inoo dhammeeyey. Kana soo dhaqaaqnay goobtii aanu tagnay. Markii aanu maraynay badhtamaha magaalada gaar ahaa Khayriyada agteeda, ayuu nin waddada marayey si dhawaaq dheer u yidhi” waar foostooyinkan waxa ku dhexjiraa waa geedo Flower ah oo maaha dhir caadi ah”.

Waxaanu sheegayaa dhirta ay dawladda hoose ka beertay inta u dhaxaysa labada haad ee waddada Khayriyada.

Guddoomiyihii intii gaadhigii ka soo degay, ayuu ninkii gacanta soo qabtay, markaasuu ku yidhi” bal kaalay eeg geedaha aad Flower-ka ku sheegayso. Wuxuu soo gooyey laan yar oo ka mid ah markaasuu indhihiisa horkeenay”. Ninkii ayaa hadalkii raalligelin ka bixiyey. Waar wax hubso oo ha deg degin ayuu ugu caqli celiyey. Markii aanu xafiiska ku soo noqonay, ayuunu ugu nimid gabadh aad u xanaaqsan, oo sidata waraaqo canshuur lagaga qaaday. Guddoomiyihii ayaa si dhegaystay cabashadeedii, waxaanu waraaqihii ka soo saaray laba khalad oo ay si sharciga ka baxsan ugu doodaysay haweenaydu.

Markii uu qanciyey, ayuu raaciyey xigmadan” Way wanaagsan tahay inaad xuquuqdaa taqaan, waxa se ka wanaagsan in aanad ka gudbin. Way wanaagsan tahay waxa lagugu haysto in aad taqaan, waxa se ka wanaagsan in aanad sharciga ka tallaabsan. Way wanaagsan tahay inaad ra’igaaga sheegato. Waxa se ka wanaagsan in aad ra’iga dadka kale dhagaysato”. Saddex maalimood oo hawli igaga xidhnayd xafiiska 26 Juun ee Hargaysa guddoomiyaha xafiiskaasi wuu joogay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

COMMENTS
LINKS