Waa Gef Siyaasadeed Haddii Ay DFS Isku Daydo In Ay Somaliland Kala Mid Dhigto Maamul-goboleedyadeeda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Gef Siyaasadeed Haddii Ay DFS Isku Daydo In Ay Somaliland Kala Mid Dhigto Maamul-goboleedyadeeda!
July 19, 2019 - Written by Editor:

Sida hadda dhacday ee ay labada xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ugu dartay guddida wada hadallada Somaliland iyo DFS ayaa muujinaysa gefkaas.

Somaliland ma aha maamul-goboleed ka mid ah DFS. Looma diri karo xubno ka soo jeeda oo meteka DFS.

Waa dalkii loo yaqaanney British Somaliland Protectorate wixii ka horreeyey 26.06.1960.

1st July 1960 – 21st 0ct 1969 waa Gobolladii Waqoiyi ee ka mid ahaa Jamhuuriyaddii Soomaalida.

21.19.1969 – 17.05.1991 ka tirsanaa Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga Soomaaliyeed.

18.05.1991 ilaa eeggana ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa ay jiraan is diiddooyin Somaliland gudaheeda ahi.

Waa ay jiraan qabaa’il ama gobollo iyo kooxo bulsheed oo aan ku qanacsanayn gooni isu taagga Somaliland.

Waxaas oo dhami lama macno aha Somaliland waa maamul-goboleed ka mid ah DFS.

Qolyaha Somaliland ka mid ah taariikh ahaan ee midnimo doonka ahi xaq bay taas u leeyihiin, xaq se uma laha in ay isu soi taagaan in ay metelaan DFS iyo xukuumaddii kale e beddesha midna.

Qolyaha isirka qabaliga ah, marjan oo kale, saabka gadowgiisa qabsadow xisaabta ku dara oo ogaada in qaybo inaga/idin ka mid ahi wax ku yeesheen Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya markii Soomaalida la qaybiyey.

Sidaas awgeed na, wax loogu yeeshay Somaliland iyo Soomaaliya, waxna loogu yeelanayo haddii ay isku soo noqdaan iyo haddii ay kala maqnaadaanba.

Walaalahaga Soomaalidii Talyaanigu gumeysan jirey ama gobolladii koonfureed ee jamhuuriyaddii Soomaalida ama jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga ahayd ee burburtay 26.01.1991, xaq baad u leedihiin in aad raadisaan midnimadaas labada gobol ee weydowdey, haddii aad wanaaggeeda doonaysaanna ha u marina si iyo qorshe uga sii dara sida hadda Farmaajo iyo Khayre abaabulayaan.

Haddii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre midnimadaas dooxday oo waran ruubtay, ma aha in xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) warankaas ku sii liiliijiso. In uu wax daweeyaa la gudboonayd, waxa se uu u muuqdaa in sii damqayo oo warankii ku taagnaa ku sii dhaqdhaqaajinayo.

ISIXAAQDA (wada hadallo) lama diiddana ee “XAAQDAA” la diiddan yahay.

Car bal soo magacaaba guddi idiin car iyo bey la’ bal in cidi ka hor timaaddo.

Cidda wada hadlaysa iyo cidda ay metelataan waa muhiim mar kasta, saw ma aha?

 

Somaliland ma aha maamul-goboleed DFS ula xidhiidhayso sida Puntland, Galmudug ama Jubbaland oo iyada ka tirsan.

Si kale waa in ay labada maamul ee Muqdisho iyo Hargeysi u wada dhaqmaan inta si uun wax loogu heshiinayo, haddii se ay DFS aqoonsiga siyaasi iyo sharciyeed ee ay haysato ku cad gooso is tidhaah waxa ay noqon “karis xun iyana wax ku la'”, waa haddii ay doonayso wada hadal midho la goosan karo oo waxtar yeeshaa ka soo bixi karaan.

QALINKII; MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN’

 

COMMENTS
LINKS