Yaa Isa Sudhay Dadka Somaliland Ee Isku Danta Iyo Isku Duruuftaah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Isa Sudhay Dadka Somaliland Ee Isku Danta Iyo Isku Duruuftaah?
July 20, 2019 - Written by Editor:

Dadka ku nool dalkan jamhuriyada Somaliland waa dad walaalo ah oo ilaahay swt dhulkan ku wada beeray, maaha dad kala duwan ee waa dad isir kaliya ah, diin qudha wada haysta.

Hadii barwaaqo la helana waa aynu wada heli doonaa hadii abaari ina heshana Alle inaguma keenee way ina wada saameyn doontaa, sida maanta sicir-bararka, biyo yaraanta,shaqo la’aanta, caafimaad iyo waxbarasho iyo aasaaska nolosha oo dhan ay dadkeenu u wada tabayaan ee ay saameyn isku mid ahi inoo taabaneyso.

Maanta miyaanay ayaan darro weyn aheyn iyada oo dadku iskuwada duruuf yihiin oo nolosha la tacaalayaan oo ay rabaan cid u hadasha iyada oo dadkeena reer Somaliland 90% duruuf isku mid ah iyo dabaqad dan yar ah yihiin hadii beel gaara u hadasho , waa ayaan darro waxaana ay ka mid tahay waxyaabaha dadka reernimada dib ugu celiyey dadka iyaga oo aan waxba ku qabin.

Dawlada Somaliland na dadka Somaliland bay u dhaxaysaa oo dan moodey in ay dawladnimo samaystaan, waxaa ku amaanan jabhadii SNM ee iyaga oo dalka qabsaday talada dadkooda gacanta ka soo galiyey shirkii Burco 1991kii ee loo gartay in ay laba sano iyagu maamulaan, waana mid ay taariikhdu xusi doonto marka la barbar dhigo jabhadaha aduunka soo maray.

Taladaa ay gacanta dadkooda ku soo celiyeen waxa ay dhashay dawladnimo iyo nabadgalyodaa aynu dal iyo dibadba kaga amaanan nahay waana wax ilaahay loogu mahad naqo xaqiiqdii oo ka mid ah nimcooyinka uu inagu galaday ee aynu dheer nahay dawlado waaweyn iyo dalal badan oo aduunka ah.

Waxa aynu samaysanay oo ku soo meel gaadhnay shirkii Borama 1993kii wax la odhan jirey Axdi qarameed ( charter ) Axdi qarameedkaasi oo aynu wax ku qaybsanay nidaam beeleed oo ku meelgaadh ahaa, waxa aynu wax ku dooran jirneyna waxa uu ahaa shirbeeleed ilaa intii aynu ka samaysanaynay dastuur qaran.

Sanadkii 2001 dii 31 May ayaa Somaliland looga dareeray afti dastuur qaran oo lagaga baxo nidaamka beelaha oo loo gudbo in dadweynuhu gacantooda ku doortaan cida hogaan u noqonaysa, dastuurku wuxuu qeexayaa xuquuqda qofka muwaadinka reer Somaliland, waxa uu qeexayaa xoriyada is abaabulka iyo ka qayb galka talada dalka ee muwaadinka,waxa uu qeexayaa qaranimada iyo tiirarka aasaasiga u ah, waxa uu qeexayaa waxkasta oo muwaadiniintu xaq u leeyihiin iyo wax xaq loogu leeyahay ba , oo aan ka hor imanayn qiyamka iyo diinta islaamka…iwm.

Maalintii aynu dastuurka u codeynay waxa jabay darbi oo qof kasta oo reer Somaliland ahi waxa uu xaq u leeyahay in la doorto waxna u doorto iyada oo loo marayo shuruucda dalka, waxa xataa madaxweyne iyo ku xigeen isku sharaxi kara laba walaalo ah oo wax u diidayaa ma jiraan laakiin biseylkeedii ayeynaan hayn ilaa maanta.

Muwaadinka Somaliland ee halka bari ugu xigta degen iyo ka halka galbeed ugu xigta dagani waa muwaadiniin dalka leh, ma jiro wax u diidaya in ay qarankan hogaanka u qabtaan sidii horeba u soo dhacday, waxyaabaha kale ee saamiyada goleyaasha qaranka iyo waxii doorasho ku imanaya waa laga heshiin karaa, xeerkan hada golaha wakiiladu ku fadhiyo waxa uu ahaa ku meelgaadh inta ogaalkay ah oo loo soo qaatey ( 33 xildhibaan ee 60kii oo lagu dhuftay 2.5 ).

Waxaana ay ahayd in goluhu soo saaro xeerkii lagu dooran lahaa, ama diwaangalin caam ah oo qaran ha lagu saleeyo sida aduunka ama wax kale oo heshiis lagu yahay ha keenaane, waxa arinkani noqday bam afka ka xidhan oo xukuumadii hore iyo golaha wakiilada iyo guurtiduba ka muquurteen, waana arin dadka badankiisa u muuqatey in xukuumada dambe uu arinkaasi u yaalo, sidii ay uga dabaalatoba.

Arinka labaad ee aan doonayo in aan ka hadlaa waxa weeyaan dawladnimadu waa inoo wada dan xaqiiqda marka la is dul taago, cid wax gaara ku qabtaa ma jirto, beel ama reer wada dhargay ma jiro qaar wada qatanina ma jiraan, waa suuragal in fursadaha dadku sida ay caasimada oo ah xarunta dawlada ay ugu dhow yihiin u yar kala heleen, hase yeeshee gobol walba intii ilaahay ku abuuray uun baa ugu badsata fursadihiisa, waxa aan aaminsanahay waliba in Hargeisa la isugu yimid oo la wadaago fursadeheega.

Hogaamiye waxa aan u aqaanaa ninka waddo cusub jeexi kara, qaadan kara go’aano lama filaan ah umada u hagi kara jiho wanaagsan oo lagaga baxo isku meeraysigan iyo siyaasadan gabowday ee qaybi oo xukunta ah, hadaad wado hore loo jeexay uun daba socoto oo aad ka baqayso in aad wax cusub soo bandhigtaa in ay carqalad kugu noqoneyso, maad noqon hogaamiyihii dalkani u baahnaa.

Dadweyne ahaana mid baa inala gudboon, waa in aynu garano awooda aynu leenahay, dawladnimadu in ay inaga inagu dhisan tahay waxii wanaagsan ee aynu aragno aynu taageerno inaga oo isku duuban, waxii xumaan iyo dib u dhac dalkeena ku ahna aan meel uga soo wada jeedsano oo aan la isku keen soofeyn inaga ayaa is huran oo isku dan ahe.

Maalinba maalinbay dhaantaaye ilaahay swt dib inooma celiyo, in la isku tanaasulo oo maalinba qofka yimaada aan jiq lagaga dhigin ayaynu u baahanahay , hogaanka qarankuna tanasul iyo iskuwadka umada ka shaqeeyo, mucaaradaduna yeelato kaalintii mucaaridka rasmiga ah ee dawladu waxkasta oo ay khalado sheegayey, xukuumaduna aaney noqon mid isdifaacda iyo midi midi ku taag ee waxii ay khalado isa saxdo.

Ilaahay baa mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS