“Xildhibàanada Golaha Wakiiladu Wali Fariin Bay u Dirayaan Madaxweynaha” Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xildhibàanada Golaha Wakiiladu Wali Fariin Bay u Dirayaan Madaxweynaha” Barkhad-ladiif.
July 21, 2019 - Written by Editor:

Xildhibàanada golaha wakiiladu wali fariin bay u dirayaan Madaxweynaha; maalinba faji is afgarasho ayey dhigayaan was oo ah xaaladda sideedii ku soo celi.

Bal imika xeerka dadku hadal hayaan waa kii la sameeyey 2002 kii darajooyinka degmooyinka waxba lagama bedelin oo waa sidii hore hadana waxay ka dhigeen inay wax ka bedel ku sameeyeen.

Labadda ujeedda ee laga lahaaa ee u suurtogashay waxay tahay in degmooyinkii uu codadka u badan ka helay kala huleelaan, mid gobol doonaysay iyo mid darajadda in loo dallaco doonaysay oo codadka sidaas ku bixiyey.

Talabaad in xildhibaanada deegaanku sidoodii bilaabaan mooshino ay xilka kaga qaadayaan maayirada maadaama oo laga hor qaaday xeerkii dabraayey ee 3/2 ee sida fudud looga qaadi karayey;taas dawladii Rayaale dan u aragtay markii toban maayar muddo billo ah lagu riday in mooshida lagaga nasto , waxaanay hadda dawladu ku mashquuli doontaa mooshinadda hadda bilaabmi doonno.

Allaylehe rag bahasha dhigi yaqaan baa dhigay.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR

 

COMMENTS
LINKS